Munaasibaddii ugu Miisaanka Cuslayd ee Wasiirro Xukuumadda Kulmiye ahi Xilka ku kala tirsadan

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Cusub ee wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Md Cabdirisaaq Cali Cismaan.
Munaasabad ka dhacday Xarunta Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yahiin Xildhibaano ka tirsan labada Gole, wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga, gaashaandhiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kalluumaysiga, Hawlaha Guud, Duulista iyo Hawada, Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Engineer Faysal Cali Waraabe iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, Salaadiin, waxgarad iyo dadweyne faro badan ayaa waxaa ugu horayn warbixin ku saabsan wasaaradda Dib u dejinta, Qaab dhismeedkeeda, iyo waajibaadka ay qarankan ugu xilsaaran tahay ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee wasaaradda dib u Dejinta Cali Biikolo, halka sidoo kalena uu wasiirka cusub ugu ballanqaaday isagoo ka wakiil ah shaqaalaha dawladda ay si daacadnimo ku dheehan tahay ula shaqayn doonaan.
Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Md Cabdirisaaq Cali Cismaan oo ka hadlay munaasabadaasi balaadhan ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabahii ay wax ka qabteen mudadii uu joogay wasaaradda sida mashaariicdii lagu hagaajinayey bilicda caasimadda isla markaana sadex goobood lagaga raray dadweynahii deganaa lagana hirgelinayo mashaariic dan guud ah, halka sidoo kalena ugu yaraan 75 guri loo dhisay dad danyar ah oo ku sugan Magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer.
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta xilkan la wareegayo isagoo hore u ahaa Gudoomiyihii ururkii SSC isla markaana uu maanta wasiir u yahay umadda Somaliland oo dhan gaar ahaana uu dadaal u gelayo sidii uu uga shaqayn lahaa horumarka iyo deganaanshaha Somaliland.
Wasiirka Cusub ee wasaaraddu waxuu sheegay inuu ku wargelinayo deegaankii uu ka yimid in la xalinayo waxii tabashooyin ah ee jira, waxuuna ka codsaday shaqaalaha wasaaradda inay wada shaqayn la sameeyaan.

SOMALILANDPOST.NET