Mujaahid Xasan Guure Oo Ka Hadlay Haamaha Shidaalka Iyo Salaadiintii La Xidhay.

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa cadaalad daro iyo sharci daro ku tilmaamay in Xukuumaddu si sharci daro ah ku wareejiso Haamaha Shidaalka iyo Hantida Qaranka, waxaanu sheegay in aan sinaba looga hadhaynaynin Hantida Qaranka ee ay Xukuumaddu wareejisay.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac,oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey  ayaa sidoo kale ka hadlay xadhiga qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland oo Xukuumaddu xidhay, waxaanu sheegay inay sharci daro tahay qaabka loo xidhay Madax dhaqameedkan.

Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac ayaa ugu horayn yidhi  “Xukuumaddu marka hore xaq ayey u leedahay inay wareejiso ama ay kirayso Haamaha iyo Hantida Qaranka, marka loo raacayo Sharciga iyo Dastuurka dalka, balse Xukuumaddani waddadii sharci ahayd umay marin, si sharci daro ah ayey doonaysa inay Hantida Qaranka ku wareejiso, waxaana taas caddeyn u ah sida ay u kala hadlaan iyo hadalada is khilaafsan ee iska hor iyo daba imanaya ee ka soo yeedhaya ragga ku jira Xukuumadda, maxa yeelay mar hadal nooc ah ayey ku hadlayaan, waxaana wax aad loola yaabo ah inay Xukuumaddu tidhaahdo waanu wareejinay Haamihii ee yaa  wax na odhan kara, waxa aan leeyahay sida jooga ama taga wax walba marnaba laga yaabo in laga hadho Hantida Qaranka ee aad wareejiseen, dad ayaa wada leh, umad ayaa wada leh, marka in aad ku takri-fashaan wax suurtagal ah maaha”.  Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey Madax dhaqameedkii la xidhay ayaa yidhi “Salaadiintu  sharaf ayey leeyihiin, karaamo ayey leeyihiin, ixtiraam ayey inaga mudan yihiin, waa dad la doortay oo la maamusay, in la xidho Suldaan Mawliid Sabayse iyo Boqor Raabi khalad weyn ayaan u arkaa, waxa aan u arkaa in birmagaydadii dalka iyo dadkaba lagu xadgudbay sharaftoodii iyo karamadoodii, waxa kale oo wax aad looga xishoodo ahayd in Suldaan Mawliid Sabayse laga soo xidhay Shir ay lahaayeen Madax dhaqameedka Subeer Awdal, oo waliba Suldaankii guud ayaa fadhiyey shirkaas, Halgankii ay SNM, ay soo gashay ee ay dalka iyo dadkaba u soo halgantay waxa ka sii muuqda waa xoriyadii hadalka, in maanta salaadiintii iyo madax dhaqameedkii la xidhayana waanu aragnaa, balse cidna ka yeeli mayno car juuq dheh”.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa isaga oo baaq u diraya Madaxweynaha waxa uu yidhi “Dalkan waa loo soo halgamay, waa loo soo dhintay, dhiig ayaa ku soo daatay, waxa loo dagaalamaayey may ahayn Koonfur ka xorooba, may ahayn dulmi  ka xorooba, may ahayn xoriyad iyo madax banaani hela , ee waxa loo dagaalmaayey halgankana aynu u galnay waxa ay ahayd in hadba Xukuumadda markaas timaada inay dalka cadaalad , sinaan iyo sharci ka hela, waxa ay ahayd musuqa la dagaalama, markaas Madaxweyne adigu waad u soo halgantay dalka, waxaad ahayd Guddoomiyihii ugu muddada dheer SNM, Siyaad Barre dagaal ayaad la gashay,markaas Madaxweyne Halganka iyo dagaalka  aad Siyaad Barre la gashay ma wuxu ahaa Kursiguun ka rid, oo marka aad ku fadhiisatana waxaad doonto samee, mise waxa uu ahaa dadka iyo umadda aad u soo halgantay cadaalada ku dhaq, u xaqsoor, musuqa kala dagaalan, Hantidooda u ilaali, sida imika muuqatana waa la arkaaya halka ay wax marayaan musuqu heerka uu gaadhay ee Madaxweyne waxa aan ku leeyahay  sidan wax ka bedel,“