Midowga Yurub oo Somaliland ka caawinaya Mashruuc Lacag badan ku baxayso iyo Nuxurka Kulan Galabta lagaga dhawaaqay Hirgelintiisa

Hargeysa, 06 March, 2012 (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka socda Midowga Yurub  ayaa Maanta Booqasho shaqo ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Weftigan waxaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airportku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee  Somaliland  iyo Madax kale oo ka tirsan Xukuumada Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Caasimada ayaa sheegay in ujeedada socdaalka weftigani ay salka ku hayso sidii ay qalinka ugu duugi lahaayeen heshiis ku kacaya $35,000,000 (Shan iyo Sodon Milyan oo dollar) kaas oo ay ujeedadu tahay sidii biyo loogu soo saari lahaa Magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa maanta soo dhaweeyay Mashruuc ku wajahan Balaadhinta Biyaha Magaalooyinka Waaweyn ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasibad lagu Qabtay Galabta Huteelka Mansoor,oo lagaga dhawaaqayay Mashruuca Balaadhinta Biyaha Magaalooyinka  Hargeisa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale oo ay Maalgalinayaan Midowga Yurub isla markaana ay ku bixi doonto Aduun dhan Sideed iyo labaatan Milyan oo Dolar.

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland waxaa uu ku dheeraaday baahida dhinaca biyaha ka haysata Caasimada Hargiesa oo uu sheegay inay tahay Ta ugu dadka badan Magaalooyinka Somaliland. Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxaa uu u soo jeediyay bulshada sidii ay kaalintooda ugu qaadan lahayaan Hirgalinta daryeelkaasi dhinaca biyaha ah,isagoo u mahadceliyay Midowga Yurub oo kaalmadan Muhiimka ah ku taageeray Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay mashruucan ay ku baxayso dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka bini’aadminimo una gudubtay heerka horumarinta.

Sidoo kale wasiirka wasaar ada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Md.Xuseen Cabdi Ducaale oo hadal ka jeediyay Munaasibada laga dhawaaqayay mashruucan ayaa sheegay inuu yahay kii ugu weynaa ee Soo mara somaliland isla markaana  uu ku kacaya Sideed labaatan Milyan oo dolarka Maraykanka ah,kaaso oo boqolkiiba sideetan ay ku baxayso Caasimada Hargeysa.wasiirku waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Baahida dhinaca Biyaha ee dalka jirta iyo sida ay Daruuri u tahay in laga wada qayb qaato Hirgalinta Mashruucan

Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo Bariga Afrika u qaabilsan Midowga Yurub Mrs. Isbel Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi.

Mrs. Isbel Faria De Almeida waxay xustay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale.

Waxaa kale oo ay xustay  in Mashruucani uu door wax ku ool ah ka qaadan doono sidii ay Biyo Nadiifa u heli lahaayeen Magaalooyinka Hargeisa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale, iyadoo xustay in dhawaan la bilaabi doono hirgalinta Mashruucan .

Waxa kale oo ay sheegay in midowg Yurub uu sii wadayo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan ee uu la yeehay Somaliland,waxaanay carabka ku dhufatay in Midowga Yurub uu gacan ka geysato horumarinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, haweenaydani waxay intaas ku dartay in Socdaalka ay iyada iyo Weftiganiba  ku yimaadeen Somaliland uu salka ku hayay ku dhawaaqista Mashruucan.

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimada iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha  caasimada oo dhamaantoodba soo dhaweeyay Hirgalinta Mashruucan, oo kaalin mug leh ka qaadan doona sidii caasimada Hargaysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan .

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net