Maxay yihiin Xaaladaha sababa ama keena Biyo-baxa Deg-degga ah iyo Qaabab lagu Dawayn karo?

 

Saddex xaaladood baa keena “biyabaxa degdegga ah’ (afka caafimaadka waxa loo yaqaannaa ‘premature ejaculation’). Waa xaalad nafsi ah ta kowaad. Tusaale ahaan: haddii uu ninku sameeyo Galmo asaga oo dareemaya daal, welwel, xanaaq, ama wax uun ka si’ yihiin, waxa uu la nool yahay oo shiddo badan ku haysa ‘xasilloonidarro nafsiyadeed.’ Waxa uu, aalaa, ku biyabaxaa daqiiqad ilaa labo daqiiqo. Kan dawadiisu aad baa ay u fudud dahay–oo keli ah waa in uu hubiyo jeerka uu samaynayo galmo in uu niyad ahaan aad u xasillan yahay, jidh ahaan aad u firfircoon yahay, oo rabitaan ahaan aad u xooggan yahay.

Xaaladda labaad waa mid farsamaxumo ah (ama dheh: waa mid waaya’aragnimo la’aan ah).Tusaale ahaan: waa shakhsi aan weligii ba samayn Galmo oo bahashu ay u cusub tahay aad na u xiisaynaya, dhanka kale na aan wax ba ka aqoon fanniyada istiinka iyo Galmada, aad na u doonaya in uu ka war keeno mas’alada oo xaraaradda badan ee gubaysa iska jabiyo. Shakhsigaa kacsigu dillooday ee sidii qof aan toddobo cisho wax cunin galmada u boobaya, aad baa ay u fudud dahay dawadiisu, oo keli ah waa in uu xiisajabo. Kolkaa ayaa uu si fiican u nafisayaa isla jeerkaa na wax uun oo khibrad ah ka fahmayaa qaababka loo agaasimo istiinka iyo Galmada, ee deed na loo dheereeyo muddada biyabaxa, si’ loo helo raaxo dhammaystiran oo labada qof ba qancisa.

Kan dawadiisu adag tahay waa xaaladda saddexaad oo ah khalkhal badan oo daran oo ku yimaadda hannaanka caadiga ah ee biyabaxa qofka. Difaaca jidhka ayaa aad u daciifa, dhanka kale na waxaa jilca ama hawlgaba marinnada shahwadda hak’hakiya ee celceliya. Maskaxdu isla kolka ay amar siiso shahwadda u na sheegto degdeg in ay ku baxdo ayaa ay dhakhso ku baxdaa oo isla kolkaa si toos ah (bilaa hakad) u soo gaadhaa ibta guska. Sidii gaadhi jid bilaa isbaaro ah ku safraya oo kale ayaa ay iyadu na ku safartaa jidh bilaa marinno ah (oo dareer ah). Waxa ugu horreeya, ee la isku raacay, ee sababa waa siigada badan, daawashada filimmada dhaqan-biiska, istiinka badan, iyo ka fikirka badan ee arrimaha la xidhiidha jinsiga iyagu na waa sababo kale oo daraasado cilmiyeed ay xaqiijiyeen.

Hadda ba, shakhsi kasta oo ka cabanaya biyabaxa degdegga ah, ogsoonna tiisu in ay sababtay xaaladda saddexaad, dawo dabiici ah oo dhallinyaro badan kolkii ay si’ dhab ah u dhaqangeliyeen ku liibaaneen baa aan u hayaa. Waa se in uu ahaadaa qof ay ka go’an tahay in uu is baxnaaniyo oo aad u wanaajiyo heerkiisa biyabaxa–ka na cararo afadiisu in ay ku dhahdo, “Oo saw kuwa kaa qarxay ba!; illeen meesha awal ba wax ba ku ma aad aan haynin…!” Hagaag; tallaabooyinkan afarta ah iga guddoon, si joogto ah oo wacanna u fuli.

B: Isbaarooyinka jidhkaaga ee jilcay waa in aad dib u dhistaa u na hawlgelisaa. Sidaa si’ aad u samayso, maalin kasta shan ilaa toddobo km orod, biraha si’ wanaagsan oo ku qaddaran awooddaada u qaadqaad. Si’ gaar ah waxa aad u dhistaa bawdyahaaga, garabkaaga, shafkaaga, calooshaada, iyo qoortaada. Buush’abka, xadhigkaboodka, kacfadhiisiga, miskawareejinta, iyo guud ahaan jimicsiyada caloosha aad u samee, xattaa qolkaaga jiifka marar badan inta aad doonto ku samee. Jimicsigaa badan ka sokow jidhkaaga in uu xoog iyo xoog u dhisayo oo u yeelayo qurux badan, waxa uu dib u hawlgelinayaa iyaga oo ka adag sidoodii hore marinnadaadii jilcay ee sahlayay biyuhu dareer in ay ku dhaafaan.

T: Ha illaawin mar na ba biyo aad u badan in aad cabto kolka aad jimicsanayso (iyo kolka kale ba). Biyuhu waxa ay dhaqayaan jidhkaaga, tamar badanna murqahaaga ayaa ay siinayaan. Qayb waxa ay ka yihiin samaysanka shahwaddaada, iyo xattaa midabkeeda iyo tayadeeda ba. Sida aad biyaha cabbistooda u badsanayso haddii aad aan ka badinayn si la mid ah u badso cabbista xulbadda, macsarada, iyo weli ba maraqa. Xulbaddu, faa’iido ahaan, waxa ay xoog u xoojinaysaa mise na tayaynaysaa dhuuxaaga, lafahaaga, iyo guud ahaan difaaca jidhkaaga. Macsaradu, faa’iido ahaan, waxa ay xoog u adkaynaysaa hadda na tayaynaysaa murqahaaga iyo guskaaga (waa aad ku duugi kartaa guskaaga (penis massage) adiga oo iska ilaalinaya dhalfada (koofiyadda guska), si aad aan u biyabixin). Maraqu na, faa’iido ahaan, waxa uu waxtar aan la soo koobi karin la garab istaagaa dheefshiidka iyo unugyada difaaca ee jidhka. Xad ma leh oo mid kasta inta aad rabto ayaa aad ka cabbi kartaa–wax se muhiim ah waqtiyo kala durugsan in aad cabto.

J: Cuntadaada dib ugu noqo oo cun cunnooyin dheellitiran oo leh borotiinno iyo faytamiinno badan. Aad u badso, haddii aad heli karto, kalluunka, beedka, digaagga, muqmadda, iyo caanaha geela (oo baabka cunnooyinka lagu daro marka la joogo maaddada nafaqada). Sida oo kale, khudaarta iyo mooska aad u badso, waqti kasta oo aad heli karto na cun. Iska ilaali cuntada marka aad cunayso in aad dedejiso–aayar iyo si’ qurux badan u cun adiga oo dareensan in aad wax cunayso.

X: Muddada aad halganka ku jirto, oo ugu yaraan lix bilood ah, waxa aad iska ilaalisaa wax kasta oo dareenkaaga kicin kara. Metalan: ka fogow xaaskaaga iyo in aad la samayso galmo oo ka fasax qaado, ka na fogow istiinka, daawashada filimmada Dhaqan-biiska, indhalaraaca naagaha iyo xubnahooda xasaasiga ah, iyo akhriska qoraallada jinsiga. Waxaa wacan in aad la timaaddo soom badan si’ aad u wanaajiso niyaddaada–iyo Alle in aad ka barido in aad ka caafimaaddo jirradan. Had iyo gooraale ahow qof ku bixiya dedaal aad u badan wanaajinta kalsoonidiisa iyo weli ba koruqaadka awooddiisa.

Xaalad afaraad oo naadir ah baa jirta oo keenta biyabaxa degdegga ah. Tusaale ahaan: waa xanuunno ku dhaca kelyaha, xiniinyaha, caloosha, ama neerfayaasha. Taasi waa mas’alo u baahan baadhitaan caafimaad iyo dawooyin uu dhakhtar takhassus lihi qoro.

W/Q: Jaalle Maxamed C. Saciid – Samiik