Maxay ka wada-hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL iyo Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland?

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ethiopia u qaabilsan Somaliland.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu kulan kula yeeshay xafiiskiisa Safiirka Itoobiya fadhiya magaalada Hargeysa danjire Siciid Maxamed Jibriil oo ay wehelinayaan laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Itoobiya.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii ay safaarada Itoobiya wax ula socon lahayd haddii ay jiraan dacwado la xidhiidha muwaadiniinta u dhashay Ethiopia ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliland.

Ma jirto faahfaahin intaas dheer oo laga bixiyey kulanka dhexmaray labada dhinac, balse waxa warka kooban ee ka soo baxay maxkamadda lagu sheegay in Geba-gabadii  kulanka uu Amb Siciid Maxamed Jibriil uga mahad-celiyey guddoomiyaha qaabilaadda uu u sameeyay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net