Maxaa Wasiir Xirsi ka Qabsaday Duullaankii Cabdicasiis Cali Barre iyo Abaartii 1974-kii Ku Dhufatay Gobollada Bariga Somaliland?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin noloshiisa saamayn taban ku yeeshay oo aan xusuustiisa ka bixin ilaa wakhtigan, kuwaas oo uu sheegay inuu la kulmay xilligii uu dalka ka talinayey Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Maxaa Wasiir Xirsi ka Qabsaday Duullaankii Cabdicasiis Cali Barre iyo Abaartii 1974-kii Ku Dhufatay Gobollada Bariga Somaliland?Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay magaalada Hargeysa kaga qayb-galay munaasibad lagu marti-qaaday oo dhalinyaro tiro badan ka qayb-gashay, waxa uu xusay laba dhacdo oo xusuustiisa aan ka bixin, kuwaas oo uu kala kulmay deegaanno ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya iyo Togdheer ee Somaliland.

Wasiirku oo khudbad uu taariikh nololeedkiisa kaga warramayey ka jeediyey Munaasibaddaas, waxa uu xusay dhacdooyin uu la kulmay wakhti ay abaaro ka dhaceen sannadkii 1974-tii gobollada Bariga Somaliland wakhtigaasna ka tirsanaa Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo shacabkii deggenaa gobolladaas loo raray gobollada Koonfurta, gaar ahaan isaga qoyskiisa loo dejiyey deegaan ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO