Masuulka labaad ee ugu sarreeya Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa oo Dalka soo Gaadhay kana warramay ujeeddada socdaalkiisa

Hargeysa, 18 January, 2012 (SLpost)-Ku xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Chris Allan, oo booqasho ku yimid Somaliland isla markaana shir jaraa’iid Maanta ku qabtay Huteelka Maansoor ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay dawladiisu ka gacan siin karto Somaliland .
Safiir ku xigeenka Ingiriiska oo socdaal maalin qaatay ku yimid Somaliland ayaa tilmaamay sida uuu ugu faraxsan yahay booqashadan uu ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargasya waxaanu xusay inuu kulan la yeeshay Madaxweyhaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isla markaana ay ka wada hadleen horumarinta, mashaariicda samofalka ee Ingiriisku siiyo Somaliland.
Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in Bortooyada Ingiriisku ay tahay ta ugu badan ee taageerta Somaliland, waxaanu intaasi ku daray in dalalka Britain iyo Somaliland uu ka dhaxeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid taariikheedba.
Chris Allan waxa uu xusay in bulshada caalamku ay si weyn indhaha ugu hayso horumarka is daba jooga ah ee Somaliland ku talaabsanayso ee dhinacyada nabadgalyada,dimuquraadiyada iyo koboca dhaqaale, isagoo intaas ku daray in dawladiisu ay wax badan oo shacbiga iyo Xukuumada Somaliland u ooman yihiin ay ka taageeri doonaan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net