Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo laga Xog-warraystay Wax-qabadka ay Xukuumadda kaga Wakiilka yihiin

Dr Xuseen Xoog

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamud Xuseen Xoog ayaa maanta warbixin dhinacyo badan taabanaysa siiyay Gudi hoosaadka arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida.

Wasiirka Caafimaadka waxa Kulankan ku Wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan iyo Madax sare oo ka tirsan Wasaaradaasi.

Dr Xuseen Xoog

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamud (Xuseen Xoog), ayaa si faahfaahsan uga waramay hawlaha waxqabad ee dhinaca adeega caafimaad oo uu sheegay inay si mug leh u gaadhsiiyeen deegaamo badan oo ka tirsan Somaliland,isagoo intaas raaciyay in hadana aanay baahida aadamuhu dhamaanayn .

Dr Xuseen Xoog waxa uu iftiimiyay Mashaariic kala duwan oo ay ka fuliyeen goobaha caafimaadka ee gobolada dalka.

Wasiirku waxa uu si gaar ah isu dul taagay hawlaha ay ku soo kordhiyeen Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa waxaanu xusay inay ka shaqaysiiyeen Mishiinka Kelyaha Sifeeya, iyo X.Rayga lagu sawiro feedhaha oo casri ah isla markaana ay baahi badan dadkeenu u qabeen,waxaa kale oo uu sheegay inay Cisbitaalka ka hawl galaan Dhakhaatiir badan oo Ajaanib ah.

SOMALILANDPOST.NET