Marxuum Fu’aad Aaden Cadde Oo Si Heer Qaran Ah Hargeysa Loogu Aasay

Hargeysa, (SLpost)- Alle ha u naxariistee maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee Magaaladda Hargaysa Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo Todobaadkii hore ku Geeriyooday Cisbitaal ku yaala Magaaladda Isntaabuul ee Dalka Turkiga.

Maydka MarxAasuumka oo Saaka laga soo dajiyay Madaarka Caalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa,ayaa kaga hortagay Madaarka Siyaasiyiin,Culmi,Ganacsto,Ehel iyo Asxaab aad u tira badan oo ay Horkacayeen Gudiga heer qaran ee uu Madaxweynuhu u Magacaabay Aaska Marxuumka.

Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka qeyb galay Munaasibaddii Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde,ayaa sheegay inuu ahaa Shaqsi qiimo iyo karaamo ku dhex leh Bulshadda Somaliland,isaga oo ILAAHAY uga baryay inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo,Ehelkii,Asxaabtii iyo guud ahaanba Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Waxa iyaguna halkaas hadalo kala duwan oo ku tacaluqa Aqoontii u ay u lahaayeen iyo Tilmaamhihii uu ku sifaysnaa halkaas ka jeediyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’, Gudoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano,Culimo iyo Dad Labeenta Umadda ah oo iskaga kala yimid Guud ahaanba Goboladda iyo Degmooyinka JSL.