Marwada Koowaad oo Machadka Faafinta Diinta Islaamka ka guddoontay Dhar iyo Kabo ay ugu Deeqeen Carruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa, 28 January, 2012 (SLpost)- Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-Weris), ayaa Deeq isugu jirta Dhar, Kabo iyo agab kale oo ay ka mid ahaayeen Xafaayadaha carruurta yar-yar loo xidho ka guddoontay Maxadka Faafinta Diinta Islaamka, deeqdaas oo uu ugu tala-galay Maxadku Carruurta Agoomaha ah ee lagu hayo Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad balladhan oo loo sameeyey wareejinta Deeqdaasi oo lagu qabtay Xarunta Agoomaha ee magaaladaHargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde,  Guddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Masuuliyiin kale oo ka tirsan Machadkaasi, Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada, Maamulka Xarunta Agoomaha iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Deeqdan ay Guddoonsiinayaan Xarunta Agoomaha ay tahay mid ay kaga qayb-qaadanayaan Machad ahaan taakulada iyo wax u qabashada Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, isaga oo xusay inay tahay mid ILLAAHAY loogu dhowaanayo oo Carruurtana wax u taraysa. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inaanay sidaas kaga hadhi doonin Taakulada Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, balse ay doonayaan inay marar kale soo gaadhsiiyaan Deeqo kala duwan. Guddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), waxa uu ballan-qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan u qalabaynayaan Hoolka ay ku cunteeyaan Carruurta Agoomaha ee ku jira xarunta agoomaha Hargeysa.

Guddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo ugu horrayh faahfaahinaya Machadkooda iyo waxa uu qabto waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan ka Aaas-aasnay Machadka Faafinta Diinta Islaamka 2009-kii, waxaana hormuud ka ahaa inuu Machadkani Dalka yimaaddo Allaah ha u naxariistee Safiirkii Somaliland ee Kenya Marxuum Indha-buur, waxaanannu ka shaqaynaa sidii ay dadku uga waantoobi lahaayeen Tahriibka iyo Waalid-in-kaar-nimada, halkanna waxaannu ugu deeqnay Dhar iyo Kabo aannu ugu talo-galnay inay Carruurtu xidhaan.”

Sheekh Cawil Faatax oo ah Madaxa Gobollada Bariga ee Machadka Faafinta Diinta Islaamka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in Carruurta Agoonta ah wax loo qabto, isaga oo ka sheekeeyey Aayadaha uu ILLAAHAY (SWT) kaga hadlay. Waxaanu ugu baaqay Ummaddu inay ka qayb-qaataan caawinta Agoonta.

Ku-simaha Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Canab Xasan Nuur oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa uga mahad-celisay Masuuliyiinta Machadka Faafinta Islaamka ee Caawimada soo gaadhsiiyey Carruurta agoonta ah ee ay xaruntaa ku hayaan, iyada oo sheegtay inay aad muhiim ugu tahay cawimadani carruurta yar-yar ee xarunta lagu hayo, isala markaana ay aad uga farxiyeen.

Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Somaliland  Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde oo soo geba-gebaysay munaasibaddaas ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la caawiyo Carruurta yar yare ee Agoonta ah, iyada oo aad uga mahad-celisay Masuuliyiinta Machadka Faafinta Islaamka Deeqda ay gaadhsiiyeen Xarunta Agoomaha.

Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxay ku dheeraatay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la caawiyo Agoonta. Marwada koowaad waxay sheegtay inay dib-u-habayn ku sameeyeen Xarunta Agoomaha. “Carruurtan yar-yari marka ay wax cunayaan waxay kala kulmi jireen dhib oo Ciidda ayey iskaga saydhi jireen, laakiin maanta si fiican ayey wax u cunaan oo waannu habaynay. Dhismayaal badan ayaa noo qorshaysan inaanu halkan ka dhisno, kuwaas oo aannu doonayno inay noqdaan meelo ay wax ku akhristaan iyo meelaha ay seexdaan oo aanu tayeyn doonno, wixii aynu Carruurtan Agoomaha tarnaana waa wax ay Carruurteenna kale iyo dalkeennaba tarnay.” Sidaa ayey tidhi Marwo Aammina-Weris.

Carruurta lagu xannaaneeyo xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa ayaa gunaanadkii Xafladdaa wacdaro muujiyey, isla markaana halkaasi ku soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado xiiso badan oo baytal-qasiidkoodu ahaa ama ka hadlaya Duruufaha iyo baahiyaha haysta carruurta halkaa ku jirta. Kuwaasoo dareenka Masuuliyiinta iyo Marti-sharafkii halkaa isugu yimi wax weyn ka beddalay dareenkooda oo qiiro-geliyey sida ay xaaladda Carruurta Agoonta ah u taabanayeen heesaha iyo macjaajillada Riwaayadda ay soo bandhigeen, bandhigaas oo ay soo diyaariyeen, iskuna soo habeeyeen Kooxda Fanka iyo Suugaanta ee Xarunta Agoomaha magaalada Hargeysa, ayaa intii socdeen dadku aammus iyo eegmo ku soo dhaweeyeen.

Somaliland Post

Hargeysa Office