Maraykanka oo Amisom Ku Warejiyey Diyaaradaha Dagaalka ee aan Cidna wadin

Kampala (SLpost)- Dawlada Maraykanka ayaa maata ciidamada Nabad-ilaalinta ujooga Soomaaliya ee Amisom ku wareejisay diyaaradaha nooca wax basaaasa ee aan cidna wadin kuwaasi oo loogu talagalay in lagula dagaalamo maleeshiyada kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Debada ee Maraykanka Hillary Clinton oo maanta booqasho ku martay wadamada Kenya iyo Uganda, ayaa ciidamada Uganda (UPDF) ku wareejisay 12 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah.

Mrs Clinton oo ka qeyb gashay xaflad ka dhacday magaalada Kampala ee dalka Uganda isla markaana saraakiisha ciidamada dowlada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ku wareejisay 12 diyaaradood oo noocoodu yahay “Raven unmanned aircraft” iyadoo ay ka gudoomeen saraakiisha Uganda.

Saraakiil u hadashay Uganda ayaa shaaca ka qaaday in 12-kan diyaaradood ee aan cidna wadin ay waxbadan ku qaban doonaan kuna ugaadhsan doonaan kooxda Al Shabaab oo wali xoog ku leh koonfurta dalka Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net