Magacyada Shirkadaha ku guulaystay 26 Mashruuc oo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ka hirgelinayso dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay dhismaha 24 Dugsi oo wasaaradda Waxbarashadu ka hirgelinayso gobollada dalka, kuwaas oo ay ku soo tartameen shirkado badan.

Munaasibad lagu daah-furay tartanka qaraasyada 26-ka Mashruuc oo maanta ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka Qayb-galay xubnaha Guddiga, Shirkadaha tartanka ka qayb-galaya iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda Waxbarashada.

guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa xaadiriyey magacyada shirkadaha ku guulaystay fulinta mashaariicda.