Magacyada saddex Wadaad oo 18 bilood Xabsi ugu jiray Fekerkooda Siyaasadeed oo Dawladda Jabuuti Xorriyaddooda u celisay iyo Damaashaadka Taageerayaasha Mucaaradka

Djibouti (SLpost)- Xukuumadda Jabuuti, ayaa maanta xabsiga ka sii daysay saddex wadaad oo sannadkii hore loo xidh-xidhay taageero ay u muujiyeen xisbiyada mucaaradka oo taageerayaashoodu kacdoono lagaga soo horjeedo natiijada doorashooyin ka dhacay sannadkii hore ka dhigeen magaalo-madaxda Jabuuti.

Saddex wadaad ee maanta xabsiga laga sii daayey oo magacyadoodu kala yihiin Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad iyo Sheek Giire Maydal, waxa xabsiga hortiisa ku sugayey isla markaana ku soo dhaweeyey taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka dalka oo maanta gelinkii dambe damaashaad iyo fantasiye ka dhigayey shaaracyada magaalada Jabuuti.

JbuiMa jiro wax war oo ka soo baxay dawladda Jabuuti oo ku saabsan sii deynta saddexda wadaad, haseyeeshee Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad, Sheekh Giirre iyo Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo hore loogu xukumay midkiisa saddex sannadood oo xadhig ah, ayaa xabsiga magaalada Jabuuti ku jiray muddo 18 bilood ah.

Taageerayaasha Mucaaradka ee soo dhaweeyey waddaada la sii daayey, waxa ka mid ahaa Masuuliyiin hore xilal uga soo qabatay xukuumadda madaxweyne Cismaan Cumar Geelle, kuwaas oo ka mid yahay Wasiirkii hore ee Diinta Sheekh Xaamud Suldaan.

Wadaaddadani oo markii maanta la soo hadlay la hadlay dadweynihii soo dhaweeyey, ayaa xadhiggooda ku micneeyey mid salka ku haya aar-goosi siyaasadeed oo lagaga aar-goosanayey aragtidooda siyaasadeed.

Natiijada Doorashooyin badhtamaha sannadkii hore ka dhacday dalka Jabuuti, ayaa sababay bannaan-baxyo ay magaalo-madaxda Jabuuti ka dhigeen taageerayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo xukuumadda Madaxweyne Geelle iyo is-bahaysiga talada haya ku eedeeyey wax-is-daba-marin lagu sameeyey doorashada, arrintaas oo sababtay in xabsiga loo taxaabo siyaasiyiin, wadaaddo iyo taageerayaal bannaan-baxyo ay natiijada doorashada ku diiddan yihiin ka dhigay caasimadda Jabuuti, kuwaas oo saddexda wadaad ee maanta xoriyaddooda loo celiyey ka mid ahaayeen.

SOMALILANDPOST.NET