Madaxweyne Siilaanyo oo Xukuumaddiisa ka dhex Xushay Guddi Farsamo oo Qaban-qaabiya wada-hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia

Hargeysa, 07 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddi Farsamo ka kooban xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada u magacaabay inay ka hawl-galaan qaban-qaabada wada-hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha, waxa uu tallaabada magacaabista Guddigan ugu dhaqaaqay si uu u xaqiijiyo inay Somaliland fuliso Go’aamada Shirkii London ee 23 Bishii February carriga Ingiriiska lagu qabtay, waxaanay guddigani ka qayb-gali doonaan kulan gogo-xaadh ah oo labada dhinac dhawaan ku dhex mari doonaa magaalada London.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Febraury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya) kuwaas oo kala ah:-

1.     Wasiirka Arrimaha DebedaDr Maxamed Cabdilaahi Cumar

2.     Wasiirka Arrimaha GudahaMaxamed Nuur Caraale (Duur)

3.     Wasiirka Hawlaha Guud iyo GaadiidkaAxmed Cabdi Xaabsade

4.     Wasiirka Cadaalada iyo GarsoorkaXuseen Axmed Caydiid iyo

5.     Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha  oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.”

Wada-hadalka dhexmaraya Somaliland iyo Somalia ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey hadal-heyntiisu ku badneyd Bulshada iyo masraxa saxaafadda Somaliland ka dib markii go’aankani ka mid noqday go’aamadii ka soo baxay Shirkii London si laysu horfadhiisiyo Somaliland iyo Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net