Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa masuuliyiin cusub ku soo kordhay Golaha Wasiirrada, isaga oo Wasiir ku-xigeenno u magacaabay wasaaradda Ganacsiga iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka.
Madaxweynuhu waxa uu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga u magacaabay Aadan Diiriye Cigaal oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Sanaag, haseyeeshee madaxweynuhu digreetadiisa kuma muujin inuu ka qaaday xilkii Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka u magacaabay Nuur Cismaan Guuleed inuu ahaado Wasiir ku-xigeenka wasaartaddaas.
Warsaxaafadeed xambaarsan digreetada madaxweynaha oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku magacaabay laba wasiir ku xigeen kuwaas oo uu u magacaabay wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Aden Diriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
SOMALILANDPOST.NET