Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray xeer dhaqan galinay Qabsoomida doorashadda Deegaanka

Dr Axmed-Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo saaray dhaqan-galinta xeerka cayimaada doorashada golayaasha deegaanka oo loo asteeyay 28-ka bisha November ee sannadkan.

War-saxaafadeeda ayaa u dhigan sidan :

War-saxaafadeedka lagu shaaciyey dhaqangalinta xeerka cayimaada doorashada deegaanka ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu tahay JSL/M/XERM/249-1263/082012 ku dhaqan-geliyey xeerka cayimaada wakhtiga doorashada golayaasha deegaanada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:    Qodobka 8aad  ee Xeerka Doorashooyinka  Golayaasha

Deegaanad iyo Madaxtooyada Xeer Lr: 20/2001,

Markuu helay:     Go’aanka ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku cayimeen in Doorashada Golayaasha Deegaanku qabsoonto Maalinta Arbacada ee 28ka bisha November 2012 oo ku beegan 14 Bisha Muxaram taariikhda hijriga.

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka cayimaada WAKHTIGA DOORASHADA GOLAYAASHA DEEGAANADA oo la qaban doono Maalinta Arbacada 28ka November 2012.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.