Madaxweyne Siilaanyo oo kulan xog-waraysi la sheegay Dalladd Ururrda aan Dawliga ahayn ee SONSAF

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SOMALILAND NON-STATE ACTORS FORUM (SONSAF), waxaanay madaxweynaha uga xogwarrameen ujeeddada loo aasaasay dalladdan iyo wax-qabadyada ay bulshada u qabato.

Dalladdan oo metesha dhammaan qaybaha kala duwan sida madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka, Xirfadlayaasha sida Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Ururrada bulshada Rayidka ah, waxa kulanka ay madaxweynaha la yeesheen hor-kacayay guddoomiyaha Ururkaas Mr. Aadan Xaaji Cali Axmed oo ugu horreyn xog-gudbin kooban siiyey madaxweynaha.

Guddoomiyuhu waxa uu u ballan-qaaday madaxweynaha inay wada-shaqayn iyo wax-qabad ku taageeri doonaan xukumaddiisa iyo sidoo kale bulshada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, dalladda SONSAF waxay ay madaxweynaha u gudbiyeen nuqul ka mid ah xeer Ururkooda, warbixin ku saabsan daraasad laga sameeyey doorashooyinkii dalka ka dhacay tobankii sanno ee u dambeeyey iyo sidoo kale warbixin ku saabsan kormeerayaashii maxaliga ahaa ee kor-joogaha ka ahaa doorashooyinkii Madaxtooyada ee sannadkii tagay.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, madaxweynuhu waxa uu dhinaciisa u sheegay inay ururrada bulshadu door muhiim ah ku leeyihiin wax-qabadyada iyo horumarka dalka, oo ku weliba ku dhiirigeliyey inay mar kasta ilaaliyaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland maadaama go’aanka qaranku ku heshiiyey yahay mid lama taabtaan ah, oo ay jiraanna cadow fara badan oo liddi ku ah jiritaanka iyo horumarka Somaliland.

Ugu dambeyn, waxa uu madaxweynuhu soo dhaweyey Ururka SONSAF isaga oo u ballan qaaday inay wada shaqayn joogto ah yeelan doonaan, wixii taageero ah ee ay xukuumad ahaan uga baahdaan uu la garab taagan yahay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net