Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Md Axmed Saleebaan Dhuxul, guddidani waxa ay ka kooban tahay 10 xubnood oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.
Digreetada Madaxweynuhu ku magacaabay guddidan, waxa uu kula dardaarmay inay Si heersare oo maamuus ku jiro u diyaariyaan Aaska Marxuumka in kasta oo aan la shaacin wakhtiga Maydka la keenayo magaalada Hargeysa.
Warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Gudi heer qaran ah ka kooban 10 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Abwaano, Aqoon yahano iyo Maayarka Caasimada Hargeysa u magacaabay inay noqdaan Gudida Qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaana Gudoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane, Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad)
Gudigaasina waxay kala yihin:-
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Guddoomiye Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xubin Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Xubin Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xubin Hargeysa
Ku: Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin Hargeysa
Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Xubin Hargeysa
Ku: Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Xubin Hargeysa
Ku: Mudane, Maxamed Xaashi Cilmi Xubin Hargeysa
Ku: Abwaan xasan Ganay Xubin Hargeysa
Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Gaariye
Mudanayaal,
Sida aad ka warhaysaan waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo taariikh mug-weyn ku leh jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.
Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).
Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunkan.”
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net