Madaxweyne Siilaanyo oo Digreeto ku Mamnuucay Ka-ganacsiga Bacaha, kuna Amray Ganacsatada inay 120 Cisho ku dhammeeyaan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu caawa soo saaray ku mabnuucay soo-dejinta iyo Ka-ganacsiga Noocyada Bacaha kala duwan, marka laga reebo inta immika taala bakhaarrada iyo xarumaha ganacsi ee soo dejiya Badeecadahan oo halis ku haya dhowrsonaanta Deegaanka.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu digreetadiisa ku amray Ganacsatada in Bacaha wakhtigan ku jira ee yaala Bakhaarrada lagu dhameeyo muddo 120 maalmood ah wixii ka dambeeyana aan dalka loo soo dejin doonin, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dhakhaatiir Mihnaddooda Caafimaad la AqoonsadayWar-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;

Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka;

Markuu Tixgeliyey:          Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta  fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee  Magaalooyinka Somaliland;

Markuu Garawsaday:     In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda    Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka;

Markuu Arkay:  Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka   guud ee Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland;

Wuxuu Go’aamiyey:

  1. In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga.
  2. In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.
  3. In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafimaadka Bulshada.
  4. In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.