Madaxweyne Siilaanyo oo dhaqan-geliyey Xeerka Guddiga heer Qaran ee Xakamaynta AIDS-ka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray ku dhaqan-geliyey Xeerka Guddiga Qaranka ee Xakamaynta Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS oo golaha Wakiilladu dhowaan Ansixiyeen.

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, waxa uu madaxweynuhu sheegay in Xeerkan lagu baahinayo dhaqan-galka Xeerka Guddiga Xakamaynta Cudurka dilaaga ah ee AIDs.

siilaanyoWar-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee

                                   ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida

                                   (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida          (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.”