Madaxweyne Siilaanyo oo Dhaqan-geliyey Saddex Xeer oo uu ka mid yahay Xeerka Laalista Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamuud  “Siilaanyo” ayaa maanta soo saaray dhaqan-gelinta saddex xeer oo kala ah Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, Xeerka Nidaamka Ururrada & Asxaabta Siyaasadda iyo Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada kuna saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa u dhignaa sidan:

Dhaqan-gelinta Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Dhaqan-geliyey Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007 Lifaaq 3aad.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,

Markuu Helay:  Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-16/550/2011,  ee      Ansixinta wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururadda iyo Axsaabta Siyaasadda;

Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Wuxuu soo saaray:-

Dhaqan-galka wax ka Bedelka iyo Kaabista xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee xeer Lr 37/2007 Lifaaqa 3aad oo ah.

1.Diwaangelintii hore ee 2008-kii  laga qabtay Dalka JSL waa la laalay.

2.Doorashooyinka soo socda ee Golayaasha Deegaanka oo kaliya ayaa lagu galayaa diiwaangelin la’aan.

3. Ka hor Doorashoyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada waa in Dalka JSL, lagu qabtaa Diiwaangelin Cusub. Oo Doorashooyinka Golaha Wakiilada  iyo Madaxtooyada lagu gala.

4.Waxa la laalay Qodobka Ku cad Xeerka Doorashooyinka Xeer Lr. 20/2001, wax ka bedelka (Kuna suntan Qodob Cusub.

5.Waxa halkan lagu laalay qodob kasta oo ka hor imanaya faqradahan lifaaqan ee (1,2,3,4).

Dhaqan-gelinta Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Dhaqan-geliyey Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2011 Lifaaq 3aad.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,

Markuu Helay:  Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee Go’aan Lr. GW/KF-16/551/2011, ee      Ansixinta wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada  Xeer Lr. 20/2011 Lifaaqa 3aad;

Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Wuxuu soo saaray:-

Qodobka 22aad oo ah habka doorashada Golayaasha Deegaanka;

Qodobkan oo ahaa habka liistada waxaa laga dhigay oo loo Bedelay sidan:-

1.Xisbi/Urur kasta oo doonaya in uu ka qayb-galo doorashada Golayaasha Deegaan, waa in uu komishiinka Qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku salaysan tirada kuraasida degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah, waana in komishinku siiyaa musharax kasta Astaan u gaar ah.

2.Kuraasta Degmo-doorasho, waxaa Axsaabtu/Ururadu ku kala helayaan habka saami qaybsiga (Proportional Representation System) ee kuraasida iyo codadka xisbi/Ururkasta ka helo Degmadaas, iyadoo uu xisbiga/Ururkuna ay musharaxiintiisu ku kala guulaysanayaan sida ay u kala codbadan yihiin.

3.Musharaxiinta ku guulaysan waaya doorashada Deegaanka waxay noqonayaan kayd, iyadoo loo kala qaadanayo sida ay u kala codbadan yihiin, marka xubin ama xubne ka mid ah Golaha Deegaanku uu baneeyo xilka.

Qodobka 33aad Faqradiisa 4aad

Qodobkan 33aad Faqradiisa 4aad oo ahaa qofka isu taagaya doorashada Golayaasha Deegaanka waa in aanu/aanay Da’diisu/Dadeedu ka yaraan 35-Jir sannadka doorashada

Waxaa loo bedelay qodobka sidan:-

Qofka isu taagaya doorashada Golayaasha Deegaanka waa inuu/inaay Da’diisuDa’deedu ka yaraan 25-jir sannadka Doorashada.

Dhaqan-gelinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Dhaqan-geliyey Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,

Markuu Helay:  Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-16/549/2011,  ee      Ansixinta wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururadda iyo Axsaabta Siyaasadda;

Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Wuxuu soo saaray:-

Dhaqan-galka wax ka Bedelka iyo Kaabista xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyada Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011 ee Qodobadan hoos ku xusan:-

Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad, Xarfaha B,T,J.X

Qodobka 4aad, farqadiisa 1aad

Qodobka 4aad, Farqadiisa 3aad

Qodobka 5aad, Farqadiisa 2aad

Qodobka 5aad, Faqradiisa 3aad, xarafka J

Qodobka 11aad, Farqadiisa 4aad

Qodobka 23aad, Farqadiisa 2aad iyo

Qodobka Cusub oo ah Qodobka 29aad