Madaxweyne Siilaanyo oo Degmo Cusub ku soo Kordhiyey Gobolka Sanaag

Degmada Awrboogays

Hargeysa (SLpos)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxmuud (Silaanyo), ayaa maanta ka hor intii aanu dalka ka amba-bixin waxa u degmo Cusub u magaalada tuulada Awr-boogays ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta  socdaal ugu baxay waddanka Turkiga, ayaa tuulada Awr-boogays u magacaabay inay noqoto degmo ka tirsan gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed ka soo Baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2096/102013 uu degmo ugu magacaabay Awr-boogays oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:   Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Arkay:  Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-bedelidda Qaab-dhismeedka Dalka.

Markuu Tix-geliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka.

Markuu Tix-geliyey: Baahida loo qabo in Degmada Awr-boogays loo magacaabo Degmo cusub.

Markuu Dhegeystay:  Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday

In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.”

Talaabada madaxweyne Siilaanyo ku dhaqan-geliyey magaabisa Degmada Awr-boogays, ayaa qayb ka ah Heshiis dhex-maray xukuumaddiisa iyo wax-garadka iyo madax-dhaqameedka Beesha Koonfurta gobolka Sanaag, ka dib markii Garaadka Guud ee Beesha Naalleeye Axmed (Dhul-bahante), Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed uu dhawaan socdaal ku yimi magaalada Hargeysa oo lagu dhammaystiray wejiga labaad ee heshiis dhexmaray Xukumadda kaas oo uu hordhac u ahaa ciidan-beeleedyo lagu qarameeyey Ciidamada Qaranka Somaliland.

SOMALILANDPOS.NET

contact@somalilandpost.net