Madaxweyne Muuse Biixi oo Wasaarad Cusub soo kordhiyey, Isku-shaandheyn koobanna ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo saaray wareegto isugu jira Magacaabis, Xil-ka-qaadis iyo Isku-beddel uu ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtada ku shaaciyey aasaaska Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga oo markii hore ka tirsanayd Wasaaradda Horumarinta Deegaanka. Madaxweynuhu waxa uu wareegtada ku sheegay in kaddib markii uu arkay muhiimadda ay Qaranka u leedahay Yagleelista Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga uu xilka wasaaraddaas u magacaabay Axmed Aadan Jaamac inuu noqdo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas.

Sida ku xusan Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuiyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu xilka ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar oo isaguna dhalasho ahaan ka soo jeeda Bariga Gobolka Sanaag.

Ma jirto cid kale oo madaxweynuhu u magacaabay buuxinta booska uu banneeyey masuulkan xilka laga qaaday.

Md Muuse Biixi waxa uu Isku beddel ku sameeyey guddoomiyeyaashii Gobollada Sool iyo Gabiley. Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Gabiley, halka Guddoomiyihii gobolka Gabiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye uu u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

Somalilandpost.net