Madaxweyne Muuse Biixi oo Baaq u diray Maamulka iyo Mucaaradka Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa  mar kale ka hadlay doorashada Baarlamaanka ee la filayo inay bisha dambe ka qabsoonto magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyey hay’adda Dhowrista tayada, waxa uu gef iyo deelqaaf ku tilmaamay in madaxda iyo mucaaridka Muqdisho isku raacsan yihiin inay yidhaahdaan waxa magaalada Muqdisho lagu dooranayaa shaqsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in dhaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee Xamar dhex joogaa kaliya halkaas u joogaan inay kasoo shaqaystaan, xoolahooda iyo maalka ay soo helaanna ay Somaliland kula soo noqdaan.

“Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan.”

Madaxweynuhu waxa uu farriin gaar ah u diray shaqsiyaadka Xamar kaga qudhaabta magaca Somaliland, isaga oo u caddeeyey inaanay halkaas cidna ku metelin, “Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net