Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Furay Waax Qaabilsan Maal-gashiga oo Wasaaradda Ganacsigu leedahay iyo Nuxurka hadal uu ka jeediyey munaasibad lagu daah-furay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu furayay xafiiska maal-gashiga ee wasaarada ganacsiga kaas oo munaasibad loogu qabtay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Wasaaradaha ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire, Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacasiga Somaliland Md Maxamed-Shukri.

maalgashigaWaxa kale oo munaasibadda ka qayb-galay saraakiil ka socotay Shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha oo qorsheynaya inay Somaliland ka hirgeliyaan maal-gashi ay ku samaynayaan Wershado soo saara Qalabka Elektaroonikada iyo Gaadiidka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xafiiska maal-gashigu wax weyn ka tari doono waaxda maal-gashiga ee wasaarada dhawaan lagu soo kordhiyay.

maalgashiga2Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa intaa ku daray in shaqadiisu ay noqon doonto xafiiskan sidii uu dalka ugu soo jiidi lahaa maal-gashadayaal badan oo ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xafiiska maal-gashiga ee wasaarada ganacsigu uu ka qayb qaadan doono horumarinta dhaqaalaha dalka, kaas oo uu sheegay in aan looga maarmin hawlaha ganacsiga.

sayliciMadaxweyne xigeenku waxa uu xusay in xafiiskani uu wax ka tari doono dhinacyada kor u kaca dhaqaalaha, shaqo abuurka waxaana uu ku bogaadiyay masuuliyiinta wasaarada Ganacsiga tallaabada furitaanaka xafiiskaas.

DHEGAYSO CODKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa