Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Saylici oo Safar Shaqo Ugu Kicitimay Itoobiya Kana Hadlay Cashada Awdal Ee Xildhibaanada

 

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa safar ugu baxay dalka Itoobiya kaas oo uu ku tilmaamay mid shaqo, iyada oo ay Itoobiyana ku sii sugan yihiin wasiirada arimaha dibada iyo madaxtooyada oo halkaas u jooga arimaha dekeda Berbera iyo wadada la doonayo inay isku xidho Berbera iyo Itoobiya.

sida oo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ka hadlay cabashada tirada xildhibaanada wakiilada  matalaysa gobalada Awdal iyo Selel, waxaanu hadalkiis ku bilaabay “Waxaan maanta safar shaqo oo kooban ugu baxaynaa  aniga iyo wafti aan hogaaminayo caasimada wadanka ethiopia anaga oo mudo yar oo kooban oo laba maalmood ah ku maqnaan doona, safarkaas oo ah mid shaqo wakhti badana   aan naga qaadan doonin  iyada oo ay wasiiro kalana nagaga horeeyaan Adis Ababa, sida aad ogtihiin dawlada Ethiopia  waa dawlad weyn oo aynu jaar nahay oo walaalo nahay wax badana inaga dhaxeeyaan , iskaashi badana aynu ka leenahay arimaha nabad galyada, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada intaba .”

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo wax laga waydiiyey cabashada ay xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal Ka qabaan xeerka doorashada golaha wakiilada ee la hor keenay golahaasi ayaa waxa uu yidhi “Xukuumada qaranka ayey kala siman tahay arintaas baarlamaanka hortaala waana arin talo qaran u baahan , xildhibaanaduna meelna ma tagin waxaanay soo gudbiyeen mar walba  jiri jirtay oo ahayd in saamiga loo kordhiyo, waxaanay noqonaysaa arin u taala xukuumada iyo golayaasha qaranka sidii looga gudbi lahaa  imikana xeerkii waxa uu hor yaalaa golaha wakiilada,hadii ay doodiisu ka bilaabanto iyo haddii dusha laga wada hadli doonaba  waa arin qaydhin oo kama hor dhici karo maanta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland