Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Rejada laga Qabo Soo Af-jaridda Colaadda Ceel-Afweyn

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa rejo fiican iyo Yididiilo ka muujiyey inay soo af-jaranto oo xal kama dambeys ah laga gaadho colaad soo noq-noqotay oo u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada-dega degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu arrintan kaga hadlay kulan madaxtooyada uu kula yeeshay Odayaasha labada dhinac ee deegaankaas, iyadoo kulanka ay goob-joog ka ahaayeen Salaadiin, Cuqaal, Wax-garad iyo Masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xiisadda Colaadeed ee ka taagan degmada Ceel-Afweyn tahay dhibaato wax-ka-qabasheeda iyo Xalkeedu Qaranka u yaallo oo aanay masuuliyadeedu cid gaar ah saarnayd, sidaas awgeed ay tahay in lagu wejaho dedaalladii iyo juhdigii la gelin-jiray nabadeynta ee ay Somaliland qaran ahaan ku soo caano-maashay.

Hadalka Madaxweynuhu ka jeediyey Madasha shirka ee la xidhiidha Xiisadda Ceel-Afweyn, kaga bogo Muuqaalka Hoose