Madaxweynaha Yemen oo ballan-qaaday inuu Xilka ka degayo maalmaha soo socda

Madaxweynaha Yemen

Sanca, (SLpost)- Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax ayaa sheegaya inuu maalmaha soo socda ka degi doono jagada madaxweyne-nimo ee dalkaas, waxaana tan loo arkaa qorshihii ugu dhawaa ee hoggaamiyahan halyeyga ahi ku shaaciyo wareejinta kursiga ka dib muddo sagaal bilood ah oo lagaga soo horjeeday xukunkiisa 33-jirsaday.

Madaxweynaha Yemen

Madaxweyne Saalax oo khudbad ka jeediyey telefishanka dawladda ayaa yidhi, “Waan iska nacay awooda, weligayna waan necbaan doonaa xukun ku-dhegsanaanta, waxaanan awoodda iska wareejinayaa maalmaha soo socda,”

Mr. Saalax ayaa ku dhegsanaa xukunka halka mucaaradka iyo wakiillo ka tirsan xisbiga talada hayaa ay ka soo bandhigeen qorshe suurta-gelin kara qaabkii loo samayn lahaa awood-wareejin si nabadgelyo ah ku dhacda.

“Waxaan ugu baaqayaa taageerayaashayda inay dul-qaataan isla markaana ay ka soo horjeedsadaan loollan kasta oo yimaadda,” ayuu yidhi Saalax.

Sagaalkii bilood ee u dambeeyey waxa dalka Yemen waxyeello gaadhsiiyey mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xukunkiisa, kuwaas oo wiiqay awooddii gacan-ku-haynta dawladda ee qaybo badan oo ka mid ah dalkaas, waxaana cabsi badan laga qabay in garabka ururka Al-Qaacida ee Yemen uu fursad u helo is-ballaadhin uu ku qabsado meelo badan oo u dhow xeebaha gacanka Cadmeed oo dariiq u ah maraakiibta ganacsi ee ka gudbaysa Badda Cas.

Dhanka kale, qaar ka mid ah mucaaradka dalkaas ayaa sheegaya in dawladdu ay ku gudo-jirto dedaallo dhex-dhexaadineed tan iyo intii uu Saalax ka soo laabtay Dalka Sucuudiga oo uu u tagay daawaynta dhaawac ka soo gaadhay isku-day dil lala danacsanaa.

Somalilandpost.net

Yaasiin_29@rocketmail.com