Madaxweynaha Soomaaliya ka hadlayey Xaaladdisa Caafimaad oo Geeri lagu xidhiidhiyey

xasan sheekh maxamuudAnkara (SLpost)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyey warar shalay laga faafiyey xaaladiisa caafimaad, kuna tilmaamay inay ka dambeeyaan dad la shaqeeya Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dambeeyey ka dib markii warbahinta Soomaaliya qaarkood faafiyeen shalay in xaaladiisa caafimaad halis tahay kuna jiro cusbitaal dalka Turkiga ku yaal, ayuu sheegay inuu booqasho aan rasmi ahayn ula joogo dalka Turkiga qoyskiisa, xaaladiisa caafimaadna wanaagsan tahay. “Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amray Hay’adaha amaanka Soomaaliya inay baadhitaan deg deg ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ah ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad.

Dhinaca kale Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay shalay ee sheegayay in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud  geeriyooday.

Inj. Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been ah oo madaxweynuhu uu caafimaad qabo, dhawaanna uu dalka kusoo laaban doono.

“Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha way wanaagsan tahay mana qabo wax dhibaato ah,” ayuu yiri Inj. Yariisow oo intaas ku daray inuu maalmaha soo socda kusoo noqon doono dalka.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo shir jaraa’id ku qabtay shalay magaalada  Muqdisho ayaa sheegay in warka la isla dhexmarayo ee ku aaddan in madaxweynuhu geeriyooday uu yahay mid been abuur ah.

“Ma ogi halka ay ka keeneen kuwa faafiyay warkaas been abuurka ah, waa dacaayad cad,” ayuu yidhi wasiirka oo xusay in madaxweynaha uu caafimaad qabo uuna ku sugan yahay dalka Turkiga.

SOMALILANDPOST.NET