Madaxweynaha Somaliland oo Dawladda Ethiopia kala Hadlaya Xuduudka Xidhan ee labada waddan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka amba-baxay garoonka diyaarada Magaalada Hargeysa, iyaga oo ku sii jeeeda Dalka Ingiriiska, waxaanay sii mareen dalka Itoobiya oo ay kala hadlayaan arrimo khuseeya xidhiidhka labada waddan.

Madaxweynaha oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay Qolka Nasashada ee Garoonnka Egal ee Hargeysa, waxa uu sheegay inay dawladda kala hadli doonaan xidhiidka labada waddan, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda ugu sarreysa Itoobiya oo ay ka wada-xaajoodaan iskaashiga labada waddan ee dhinaca Ammaanka.

DSC_0643Muddoyinkii u dambeeyey, waxa xidhnaa Sooh-dinta u dhaxaysa labada waddan, iyada oo dawladda Itoobiya xidhatay Soohdinteeda arrimo la xidhiidha dhinaca ammaanka, ka dib markii dabayaaqada bishii Shanaad ee sannadkan Qaraxyo is-miidaamin laga fuliyey magaalada Jabuuti, waxaana qaraxyadaas ku dhintay isla markaana dhaawacyo tiro badan ka soo gaadheen Ajaanib tiro badan oo ku cawaynaya Maqaaxi laga cunteeyo oo ku taala badhtamaha magaalada Djibouti.

Waxaana Qaraxyadaas sheegtay Kooxda Al-Shabaab, iyada oo dadka fuliyey qaraxyadaas oo isugu jiray Nin iyo Naag la tuhunsan yahay inay dhinaca xuduudka Somaliland uga tallaabeen dalka Djibouti.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay noocyada wada-hadalka uu la qaadan doono dawladda Itoobiya iyo Safar isaga u gaar ah oo uu ku tagayo dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku wehelinaya Marwada Madaxweynaha Aamina-Waris Sh Maxamuud JIrde, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan.

HALKAN KA DHEGAYSO Hadalka Madaxweynaha