Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii oo Dalka ku soo Laabtay iyo Xogwarrankii natiijada socdaalkooda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyneha Somaliland Dr Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo safar ugu maqnaa wadanka Inigiriiska, ayaa maanta dalka ku soo guryo noqday.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay safarkiisan ku wehelinayeen wasiirka Arrimaha dibadda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire iyo marwada madaxweynaha Aamino-waris Sh. Maxamuud Jirde, ayaa maanta gelinkii hore ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Weftiga madaxweynaha waxa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiinta kala duwan ee qaranka oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka dalka Eng Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hor intii aanu madaxweynuhu dalka ka tagin, uu khilaaf dhexmaray labadooda.

soo dhawaynta madaxweynaha (11)Madaxweynaha oo markii uu madaarka ka soo degay qolka nasashada ugu waramayey warbaahinta kala duwan ayaa waxa uu ka warbixiyey socdaalkiisa uu ku tegay Ingiriiska iyo waxyaabihii uu kala soo guryo noqday.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay la kulmeen wasiirka Arrimaha Dibada Ingiriiska William Hague, isaga oo tilmaamay inay ka wada hadleen qodobbo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo sidii dib u eegis loogu samayn lahaa warbixintii ammaanka Somaliland uu ka soo saaray Ingiriisku.  “Waxaanu la kulanay wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska  William Hague, anaga oo kala hadalnay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada, iyada oo aanu sidoo kale kala hadalnay in dib u eegis lagu sameeyo warbixintii uu Ingiriisku ka soo saaray amaanka Somaliland,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud .

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka warramay, “Kenya markaanu la kulanayna waxa ka muuqday kalsooni badan sida ay noo soo dhaweeyeen, safarkaanu u baxnayna waxa uu ahaa mid lagu guulaystay,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey shirka Ingiriisku Soomaaliya u qabanayo inay ka qayb galayaan iyo meeqaamka ay doonayaan inay kaga qayb galaan waxa uu sheegay in ay talo qaran ka yeelanayaan oo aanay ku deg degayn.  “Shirka Ingiriisku Somalia u qabanayo maaha mid aanu ku deg degayno ee talo qaran ayaanu ka yeelanaynaa, Ingiriiskuna wuu nagu marti qaaday,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa intii uu ku sugnaa dalka Ingiriiska, waxa uu kulamo is-xogwaraysi la qaatay jaaliyadda Somaliland ee UK, waxaana ka dhashay buuq iyo ismaan-dhaaf kallifay in madaxweyne Siilaanyo nidar ku maray isla markaana uu si adag u difaacay wasiirkiisa arrimaha debedda oo kulankaas dhaliilo adag looga jeediyey.

SOMALILANDPOST.NET