Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta dalka ku guryo-noqday iyo Natiijada Socdaal uu ku tagay dalka Jabuuti

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo labadii maalmood ee u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay dalka Jibuuti oo uu marti-qaad ka helay, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana safarka madaxweynaha iyo waxyaabihii u soo qabsoomay ka warbixiyey wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo qayb ka ahaa weftiga madaxweynaha.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN

https://youtu.be/eQrADtyPYlk