Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya

Ethipia(SLPOST)Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta xarunta wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay wasiirka gaashaandhiga Ethiopia Siraj Fagessa.

image_5

Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku wehelinay kulanka Madaxweynaha, waxana soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Qalabka sida ee Ethiopia Gen. Maxamed Yonis Samora iyo sarakiisha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay masuuliyinta gaashaandhiga Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo ee u dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay taageero uga heli lahaayeen Ethiopia ku aadan la-dagaalanka kooxda Al-shabaab oo fariisin ka dhigatay buuraleyda Galgala.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa u gudbiyay saraakiisha Ethiopia baahida Puntland u qabto in ciidanka loo qalabeeyo islamarkaasina tababaro dheeraad ah loo fidiyo, waxana uu uga mahadceshay taageeradda iyo dadaalada ay ku baxshaan nabad waarta oo ka dhalata Somalia.

Ethiopia waxay u balanqaaday Puntland taageero Militeri iyo wada-shaqeyn dhow inay yeeshaan labada dhinac si wadajir dagaal loogu qaado kooxda Al-shabaab oo qaybo badan oo ka mida Koonfurta dalka laga soo saaray.

Gelinka danbe ee maanta ayaa madaxweynaha Puntland uu kulan balaaran la qaadan doonaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Ciidamada Booliiska Dalka Sacuudiga ayaa ninkan soo qabtay kadib markii dumar aad u badan Booliiska u gudbiyeen dacwad la xadhiidha in ninkan uu sawiro qarsoodi ah ka qaaday kadibna uu ku faafiyay Baraha ay bulshadu ku kulanto sida Facebooka.

Ninkan Sacuudiyaanka ah ee Xukunka adag lagu riday ayaan la ogeyn waxa ku kalifay in Swairo qarsoodi ah ka qaado dumar kor u dhaafaya 100- kadibna uu ku faafiyo Baraha ay bulshadu kuwada xadhiidho ,

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland