Madaxweynaha iyo Komishanka oo ka wada-hadlay Doorashada Goleyaasha Baarlamaanka iyo Mowqifka Beesha Caalamka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii u dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxaanay madaxweynaha faahfaahin ka siiyeen natiijada kulamo ay la qaateen wakiillo ka socda Beesha Caalamka ee taageerta Dooashooyinka Somaliland.

IMG_0002Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, waxaanu war-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid xogwaran ah oo ay guddidu madaxweynaha warbixin ka siiyeen safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalka dibediisa kulamo kula soo yeesheen dalalka Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland.

Waxaanay madaxweynaha uga warameen ballan qaadyadii ay kala soo noqdeen safarkooda, iyagoo sheegay inay waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay u sheegeen in dhinacooda ay diyaar ula yihiin wixii ku waajiba ee looga baahdo doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2019ka.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku boggaadiyey hawsha qaran ee ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda, waxaanu u balan qaaday in  ay ka go’an tahay xukuumadda wixii kharash ku baxaya, sidii uu horeba madaxweynuhu u balan qaaday, ka guddi ahaana ay ku dedaalan in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin doorashooyinku.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa noqonayaa kii labaad ee madaxweynuhu la qaato Guddiga Doorashooyinka tan iyo intii uu talada dalka qabtay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay dhinacyadu ka wada-hadleen sidii loo dar-dargelin lahaa qabsoomidda doorashada Goleyaasha Baarlamaanka oo loo qorsheeyey inay dalka ka dhacdo badhtmaha sannadka dambe.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland