“Madaxweyaha ma caadadiiba inuu la daaho baaqa nabadeed iyo tacsidaba, mise waa ka garasho?” – Iid Jiciir

iid-jiciirHargeysa (SLpost)- Iid Jiciir Aw Axmed oo ka mida guddida sare ee Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland, ayaa ku dhaliilay madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inaanu baaq nabadeed iyo tacsi-toona u dirin labada beelood ee Walaaha ah ee dhawaan dirirtu ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag, isla markaana waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee walaaha ah.

Iid Jiciir waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu caawa soo saarey, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Waxaan baaq nabadeed u dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay dhawaan deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Saraar.Waxaan leeyahay dadkii ku dhintay dirartaasi samir iyo iimaan ha ka siiyo eheladoodii,intii ku dhaawacantayna ILAAHAY caafimaad sareecana ha siiyo. Walaalayaal wax danbe oo innaga dhintaa yaanu jirin, waayo dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, markaa waxaan leeyahay caqliga saliimka ahi ha shaqeeyo”.

Waxa ayaan-daro ah inaanu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan weli baaq nabadeed iyo tacsi-toona u dirin labada beelood ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Saraar ee uu madaxweynaha u yahay,isla markaana aan si toosa ula hadal beelahaasi,inkasta oo uu u direy Wefti Wasiiro iyo Salaadiin isugu jiray.

Madaxweyaha ma cadadiiba inuu la daaho baaqa nabadeed iyo tacsidaba,mise waa ka garasho”.

Somalilandpost.net/Hargeysa