Advertisement
Hargaysa (SLPOST)- Madaxwayne ku xigeen ka Jamuuriyada Somaliland mudane cabdiraxmaan c/laahi Ismaaciil, (Saylici). Oo ay wahelinayay wasiirka dib u dejinta, Maayarka caasimada hargaysa
ayaa maanta furay magaalo cusub oo la dejiyay dadkii Baraka-cayaasha ah.
Magaaladan cusub ayaa ku taala duleedka koonfurta xaafada Maxamed Mooge magaaladaas oo loogu magac daray
Xaaji Cumar Digaale. Baraka-cayaashan oo ay tiradoodu dhan tahay 829 qoys ayaa haatan 700 ka mid ah
qoysaskahalkaa degay ayaa waxay u dhiseen dhismayaal ay kaga hoydaan dabaysha iyo cadceeda inta kalena ay
6-da bilood ee soo socda ay u samayn doonaan dhismayaal dhismayaashan oo ay iska kaashadeen dowlada hoose hay’adaha UN-ta ,Wasaarada dib u dejinta iyo local NGO’s
Somaliland.net
Hargeysa/Somaliland
Advertisement