Madaxdii Ugu Sareesay Sirdoonka Sucuudiga oo xilka laga qaaday

Saudi Arabia(SLPOST) Boqorka dalka Sucuudiga Cabdallah ayaa xilkii ka xayuubiyey ninka uu adeerka u ahaa ee Bandar Bin Sultan oo ahaa Madaxii Sirdoonka wadankaasi.

Bandar160414

Bandar ayaa kamid ahaa ragga ugu awooda badan Boqortooyada Sucuudiga, wuxuuna horey muddo 23 sano ah safiir uga soo ahaa dalka Maraykanka.

Bandar ayaa sanadkii lasoo dhaafay eedayn kulul u jeediyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama inuusan wax tilaabo militari ka qaadin xukuumada Bashaar Al Assad ee dalkaasi Siiriya.

Bandar ayaa sidoo kale la sheegaa inuu hubeyan jiray qaar badan oo kamid ah kooxaha ka dagaalama Siiriya oo qaarkood kamid ah shabakada Al Qaacida. Dowlada Sucuudiga ayaa horaantii sanadkan sheegtay in dhamaan dagaalyahanada Sucuudiga kasoo jeeda ee ku sugan Siiriya halkaasi isaga soo baxaan.

Xil ka qaadista Bandar ayaa kusoo beegmaysa in ka yar bil markii uu wadankaasi Sucuudiga booqasho ku tagay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Qoraal ay dowlada Sucuudiga shaacisay ayaa lagu sheegay in Bandar Bin Sultan uu isagu codsaday inuu xilkaasi isaga dego si uu wakhti ulla qaato reerkiisa iyo caruurtiisa.

Bandar ayaa loo magacaabay Madaxa sirdoonka Sucuudiga sanadkii 2012kii, wuxuuna kahor soo hayey xilka Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Boqortooyada Sucuudiga.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland