Madaxdhaqameed Gaashaanka U Daruuray Qorshaha Turkiga ee Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

 

Hargeysa(SLpost)- Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland ayaa ka hadlay shirka Turkigu qorsheeyay ee ah in madaxdhaqameedka Somaliland metelaan Somaliland wada hadalna la galaan madaxda dhaqanka Somalia.

Madaxdhaqameedkan ayaa ka sakow deedafaynta shirka Turkiga waxay deedafeeyeen hadalkii ka soo yeedhay Suldaan Xiiray oo ku hadla afka dhaqanka Somaliland, balse waxay sheegeen inaanu afkooda ku hadli Karin, maadaama aanay jirin madal bahda dhaqanku iskugu timid oo ay afhayeen kaga dhigatay  Suldaan Xiiray.

Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi  oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay inaanay ka qayb galayn wadahadalada labada dal.

“Maaha markii ugu horeysay ee uu Turkigu qadiyadan soo dhiraadhiriyo,halkan waxa noogu yimid wefti marka horeba qorshaha Turkigu lahaa oo Xassan Sheekh dabada ka waday nimankaa aan dawlada lahayn ee Amison ilaaliso”Suldaan Xassan.

Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi waxa uu sheegay inay qalad tahay in la is barbar dhigo Somaliland iyo Somaliya isla markaana ardaayo loo kala jajabiyo.

“Maaha in Somaliland oo qaran ah oo intaasi soo jirtay ardaayo loo eego marka horeba sharci maaha,shaqsi waxbaan ka hadlayaa leh oo madaxdhaqameed ayaan ahay leh ma jirto,meel aanu cid u wakiilanay ma jirto,meel Salaadiin iskugu timid oo ay cid u wakiilatay ma jirto” ayuu yidhi Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan

Waxa iyaguna goobtaasi ka hadlay  Suldaan Sabayse, Boqor Raabi iyo hoggaan dhaqameedkale ayaa dhammaantoodba muujiyay in Turkigu ka dhan yahay qaddiyadda Somaliland, sidaasi darteedna aanay sinnayn Somaliland iyo Somalia.

Dawlada Turkiga ayaa wadda qorshe wada hadalkii Somaliya iyo Somaliland loogu wareejiyo Madaxdhaqameedka,iyadoo dhinaca kalena arintaasi Somaliland ku gacan saydhay.

Dhinaca kalena Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa ganafka ku dhuftay hadal haynta in Turkigu uu wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya u soo wareejinayo dhinaca madaxda dhaqanka ee labada dal, taas oo uu ku tilmaamay in aannay Somaliland ahaan aqbali doonin haddii xataa Caalamka oo idili isugu yimaado qaddiyada wada hadalka. Suldaanku waxaa uu qorshahan jiritaankiisa ku maseeyey dhacdo ku taxan sooyaalka colaaddo muddo hore dhex maray dadka Turkiyiinita ah iyo dawladaha carabta, taas oo uu wada hadalka Xamar iyo Hargeysa ku dhereriyey.

“Wallaahi waxaan u arkaa arrintaasi (wada hadalka madaxda dhaqanka Somaliland iyo Soomaaliya) arrin qaldan in ay tahay, sababtoo ah wada hadalladani cid bay u socdeen oo xukuumadda ayaa waday, xukuumaddiina markay quus ka gaadheen ayay damceen inay ku soo dhex noqdaan madax dhaqameedka, madax dhaqameedkuna dee siyaasiyiin maaha, ee waa  waa niman dhaqan soo jireen ah haysta,” sidaasi ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi