Madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland oo dalbaday in xorriyaddiisa loo celiyo Boqor Cismaan Buur-madow

Garoowe (SLpost)- Madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa dalbaday in xorriyaddiisa loo soo celiyo boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) oo dhawaan maxkamadda Gobolka Maroodijeex ku xukuntay Shan sanno oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay tallaabo liddi ku ah qaranimada Somaliland, kaddib markii uu ka qayb-galay xaflad caleemo-saar oo ka dhacday maamul-goboleedka Puntland.

Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-madow, ayaa horaantii bishan waxa uu deegaan ka tirsan maamul-goboleedka Puntland kaga qayb-galay xaflad lagu caleemo-saarayay mid ka mid ah madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland, waxaanu halkaas ka jeediyey hadal uu ku sheegay inuu ku metelayo madaxweynaha Somaliland, isagoo halkaas ka soo jeediyey in dib looga soo qaado Ciidamada Qaranka Somaliland jiidda hore ee gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, waxa ay xukuumadda Somaliland ka dalbadeen in xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo Boqor Cismaan Buur-madow.

Faahfaahinta warkan ka daawo Muuqaalkan Hoose