Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray Dhisme Casri ah oo loogu magac-daray Deero Mall kaas oo ay hirgelisay Deero Group of Companies isla markaana laga furay noocyo ganacsi oo kala duwan,
Dhismahan oo ku yaala Jidka Wadnaha Caasimadda, gaar ahaan ka-soo-horjeedka Guriga hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa munaasibaddii xadhig-ka-jaristiisa ka soo qayb-galay, Wasiirkii hore wasaaradda Ganacsiga wakhtiganna ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta Md. Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Jaamac, Wasiir ku-xigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole, Abwaaniin iyo Marti sharaf badan, waxaanay dhamaantood ku dheeradeen muhiimada uu dhisman casriga ah u leeyahay dalka.
Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkada Indha-deero Group Mustafe Xaaji Cabdi Cawad oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda hirgelinta dhismahan iyo qaybaha kala duwan ee shirkada, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa,“Dhismahan aad arkaysaan waxa aanu ugu talo galay inuu qayb ka qaato bilicda caasimada iyo shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland oo ah waxyaabaha loo baahan yahay in kor loo qaado shaqo la’aanta haysa dhalinyaradeena. Waxaanu ka kooban yahay 50 meheradood, laakiin immika waxa shaqaynaya 20 meheradood, taasina waxay ina tusaysaa inta qof ee ka shaqaynaysa. Shirkadda Indha-deero Group kuma eka oo kaliya Deero Mall ee waxa ay leedahay qaybo kale oo ganacsi, sida soo dejinta Badeecadaha kala duwan iyo dhoofintaba yo waliba Hotelo waaweyn oo casriya oo ay ku leedahay magaalooyinka waaweyn.”
Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Maxamed Shukri Jaamac oo isaguna halaas ka hadlay ayaa yidhi, “Hamigu muu ahayn hami ganacsi oo kaliya ee wuu ka ballaadhnaa. Guud ahaan-ba Madaxweyne iyo Wasiiradaba ganacsatada Somaliland marka ay yihiin faraskii gaadhiga Somaliland jiidayey in xafladahooda la soo camiro oo la dhiirigaliyo waa waajib. Waayo horumarka ay samaynayaan waa ka ay Somaliland ay samaynayso.”
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada ganacsiga iyo Maal gashiga caalamigaha Md. Bashiir Cabdi oo isaguna munaasibadaas ka hadlay, ayaa Shirkadda Indho-deero ku tilmaamay shirkadaha ugu horreeya ee ka qayb-qaata adeegyada horumarinta arrimaha bulshada. “Shirkadani Tariikhda ay ku leedahay dalkan waa mid aynu ka dheregsan-nahay oo soo martay mar xalado badan oo dib u diskii aynu dalkan ka galnay waynu og-nahay kaalinta ay ganacsatadu ay ka gashay. Dhaqaalihii ku baxay Bariijka burco inta ugu badan waxa bixisay shirkada Indhadeero Group,” ayuu yidhi Bashiir Xariir.
Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo ku hadlayey magaca Shirkadaha kala duwan ee uu kulmiyey dhismahan, ayaa yidhi. “Sidaynu ka war-qabno warbixin ay diyaarisay Wasaaradda qorshayntu waxay kobaca dhaqaalaha ku sheegtay ee dalkeena inuu yahay ganacsiga xorta ah, markaa tan aynu maanta u fadhinaana waxay ka mid tahay ganacsiga xorta ah.”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo geba-gebadii munaasibadda hadal kooban ka jeediyey madasha xadhig-ka-jarista dhismahan, ayaa ganacsatada Somaliland ku booriyey inay ku dedalaan sidii ay dalka wax uga soo saari lahayeen, waxaanu u mahad-celiyey shirkada Indhadeero Group ee dhismahan casriga ah hirgalisay, waxaanu yidhi,“Runtii Moolkan waa kii koowaad ee noociisa oo kale laga hirgaliyo Somaliland, markaa dhamaanteen waxay noo tahay sharaf, waxaanan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa shirkada Indhadeero Group ee hirgalisay dhismahan aadka u quruxda badan. Horumarka la gaadhay Hargeysa ayaad ka garataa, Hargaysina maaha tii hore, waa Hargeysa caasimad ah.”
SOMALILANDPOST.NET