Maayarka Degmada Saylac oo ka deyriyey Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay deegaamo ka tirsan gobolka Selel

Saylac (SLpost)- Gudoomiyaha Degmada Saylac ee Xarunta Gobolka Salal Maxamed Cumar Xadi “Cawad” ayaa caddeeyey Xannuunka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay Tuulada Cabdiqaadir iyo nawaaxigeeda ee gobolkaas isla markaana xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in gurmad deg-deg ah lala soo gaadho.

Maayarka Saylac oo maanta kormeer ugu kicitimay deegaanada Ceel-gaal, Laanta Morohda iyo C/qaadir, waxa uu sidoo kale xusay inay xalinayaan khilaaf bishii hore ka dhacay xarunta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee tuulada C/qaadir,kaas oo sida uu tilmaamay sababay inay mudo bil ah ay albaabadu u xidhmaan xaruntii caafimaadka ee Tuulada C/qaadir, isagoo Xusay inay halkaasi ku sugayaan Gudoomiya Degmada Xariirad Geesh Aden Bile iyo Madaxa Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Salal.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in xanuunka shuban biyoodka oo soo ritay dad ka badan toban qof, Sideed iyo afartankii saac ee u dambeeyay Isagoo intaas ku daray inaanay wax gargaar caafimaad ah dadkaasi helin.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay inuu soo qiimayn doono mudada uu deegaankaas ku sugan yahay khasaare qalab oo soo gaadhay ceelkii biyaha tuulada Cabdiqaadir,kaas oo ka dhashay sida uu Gudoomiyuhu sheegay daad xoogan oo soo maray dooxa Baxar ee tuulada Cabdiqaadir.

Sidoo  kale Gudoomiyaha Degmada Saylac Mudane Cawad waxa uu carabka ku dhuftay inay roobabkii Jiidaas ka da’ay, gaar ahaan deegaanada Ceelgaal iyo Laanta Morohda ay gaysteen khasaare nafeed  iyo bara kac.

Md. Cawad waxaa kale oo uu sheegay inay Qaylo dhaan u direen Wasaarada Dib udejinta iyo Hay’adaha Caalamiga ah isagoo gabagabadii tibaaxay inay suurta gal tahay inuu barakacani sii socon karo,hadii aan wax taakulo ah lala soo gaadhin dadka deegaankaasi ku dhaqan.

Gudoomiyaha Degmada Saylac waxaa kormeerkan ku wehelinaya Taliyaha saldhiga degmada Saylac Keyse Suudi Carraale.

SomalilandPost.net

Hargeysa/Somaliland