“Maanta waxaynu joognaa Baankii intii Soomaali Dowlad ahayd la hadal hayey laakiin maanta adigoo madaxweyne ah…” Suldaan C/raxmaan Aw-Good

soo dhaweynta muuse biixi oodweyne

 

Oodweyne (SLpost)- Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good oo ka mid ah madaxda Dhaqanka ee gobolka Daad-madheedh, ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay hirgelinta Xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland ee gobolkaas oo markii u horeysay laga sameeyey Oodweyne, isla markaana noqonaya bangigii u horreeyey ee magaaladaasi yeelato.

Suldaan Cabdiraxmaan Aw-Good

Suldaanku waxa uu madaxweynaha iyo xukuumadiisa uga mahad-celiyey hirgelinta faraca Baanka Dhexe ee Somaliland ee laga sameeyey magaalada Oodweyne, isagoo sidoo kale madaxweynaha u soo bandhigay baahiyaha adeegyada Bulshada ee shacabka reer Oodweyne ka dalbanayaan xukuumadiisa.

“Maanta waxaynu joognaa Baankii intii Soomaali dowlad ahayd la hadal hayey, laakiin maanta uun ay noqotay adigoo madaxweyne ah in la dhiso oo uu dhammaystirmo. Adiga iyo xukuumaddaada aad iyo aad baanu idinka mahad-celinaynaa, haddii aanad adigu suurta-gelintiisa lahayn oo aanad amrin muu suurta-galeen. Wax weyn oo gobolku u baahnaa weeyi, wixii u horeysay ee astaanta Caasimad lagu garto weeyi,” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan aw-Good.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net