SOMALILAND:Maamulka Gobolka Caasimadda oo ka deyriyey Gumaadka Dhirta lagu hayo oo Nabaad-guur ba’an keenay Deegaanka

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan gobolka inay ciidamada booliska gacan ka siiyaan hawlgalada amaanka lagu ku sugayo,si loo xakameeyo falalka amni daro ee caasimada ku soo badanaya.

Xamse Ciise Cabdi oo shalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay heerka nabad-gelyo ee Gobolka iyo natiijada kormeero saraakiisha gobolku ku soo mareen degmooyinka hoos yimaada.

“xaalada guud ee gobolka Maroodi Jeex aad iyo aad ayay u fiican tahay dhawaana kormeer ayaan ku marnay degmooyinka gobolku ka kooban yahay qaarkood, waxa fara baas ku haya dhuxulaysatada si baas u shidaya dhirtii iyo dhulkii daaqsinta ahaa oo la danayo dhulka aan soo marnay dartii ayaa ka daday wax abaari ma jiraan dad iyo duunyo way fiican yihiin guud ahaan gobolku”ayuu yidhi Xamse.

deegaan

Xamse Ciise ayaa Bulshada u soo jeediyay inay la shaqeeyaan Hay’adaha amaanka si loo xakameeyo falalka amni daro “dadweynaha gobolka Maroodi Jeex waxaan leeyahay la shaqeeya ciidamada booliska oo indho dheeraada lagu eego cidii guryaha ku soo korodha cidii ay garanwaayaan u soo sheegayaan ciidamada amniga, si aynu u ilaaashano guud ahaan amniga”.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray waalidiinta oo uu soo jeediyay “waxaan baaq u jeedinayaa dadka reer Hargeysa gaar ahaan waalidiinta in ay gacan adag ku dhigaan dhalinyaradoodan markay wax sameeyaan ay odhanayaan inankaygu kumuu jirin isagoo dambigii faraha kula jira, waxa kale oo ugu baaqayaa gudiyada nabadgelyada ee degmooyinka caasimada Hargeysa oo xogo badan haya oo way ogyihiin inamada samaynaya rabshadaha waana inay gacan buuxda ka siiyaan ciidamada booliska eek u hawlan soo qabqabashada rabshada wadayaasha, waalidiintana waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan booliska oo inanka ay u taagwaayaan ay booliska la soo socod siiyaan”ayuu yidhi.

Hadalka Xoghayaha ayaa ku soo beegmaya xili bilihii ugu dambeeyay Caasimada Hargeysa ay ku soo badanayeen falal qarkood ugub yihiin oo nabad-gelyada tashuush geliyay, kuwaasoo isugu jira Kufsi wadareedyo iyo dilal soo noqnoqday.

Rasmimedia.com

Hargaysa