Ma Isla Jaan-Qaadi Karaan Waddani Iyo Isbahaysiga

Siyaasada iyo ciyaaruhu meelo badan bay iskaga eg yihiin, oo labaduba waa dagaalo casriyeysa, laakiin dhiig aanu ku daadan. Hogaamihiyihii dalka Shiinaha Mao Zedong waxuu yidhi ” siyaasadu waa dagaal dhiig aanu ku daadan, dagaal kuna waa siyaasad dhiig ku daatay”. Ciyaaraha iyo kala badintooduna waxay metalaan dagaal aan dhiig ku daadan. Waxaan xasuustaa markaan yaraa, ee Caynaba ku noolaa baa waxa jirey oday kubad cagta lagu ciyaaro iyo siidhi lahaa. Magaalad oo idil kubadaas uun baa taaley. Odaygu isagaa garsoore garoonka ka ahaa. Labo kooxaad baan ku ciyaari jirney, oo kooxiba ay mar badiso. Berigii danbe ayaa waxa miyi ka yimi wiil yar oo firficoon, oo aan kubadana xoog u aqoon laakiin aan daalin. Waxaanu u bixinay Madaale. Amarka Ilaahay odaygii baa yarkii ka helay shaadirnimadiisa. Maalintii danbe iyadoo nalagu leeyahay Saddex Gool anigu aanu labo leenahay, oo uu Madaale difaaca noogu jiro buu is yidhi kubada dib ugu celi goolhayaha, nasiib darro ama nasiib wanaagba gool kii baanu isku dhalinay. Halkay ka noqon lahayd afar gool iyo laba, buu odaygii Garsooraha ahaa yidhi waa Saddex iyo saddex, oo kuye Madaale goolkuu cid ku dhaliyo ama uu iska dhaliyo waxa loo tirinayaa kooxda uu u ciyaarayo. Kooxdii naga soo horjeedey may diidi karayn go’aan kaas, waayo haday diidi lahaayeen waxay ka Baqeen inuu odaygu kubadiisa qaato ilayn kubad kale magaalada ma taalo’e. Kooxdayadii dib danbe loogama badin, waayo marka nalaga goolal batoba  Madaale uun baa goolkayaga dib ugu laada, oo xitaa haduu gool walahayagu is yidhaahdo qabo waxuu odaygu siin jirey kaadhka cas, isagoo sabab ka dhiganaya maxaad goolkuu dhalin lahaa Madaale aad u qabatay. Berigii danbe iyadoo sidaas ah buu Madaale kubado ka xiiso jabay/dhacay, oo uu yidhi anigu Burco ayaan u guurayaa. Allow wiil ma ahaa? Laakiin isagu dee denbi muu lahayn oo dee odaygaa iska jeclaa, isaguna fursadii uun buu ka faa’iideystey.

Soo anigaa taraaray ee Caynaba iyo beri-samaadkii aan caruurta ahaa soo xasuustay. Isbahaysiga Kulmiye wax fiican wuu ku soo kordhin karaa Xusbiga Waddani, waayo marka ugu horaysa waa rag kasoo kala jeeda degaano kala duwan oo reero(Constituencies) kala degaan ah metelaya. Ta labaad, waa rag Kulmiye kasoo biyo diidey markay arkeen inuu yahay xusbi qabiileysan oo cunsuriyadeysan( Fascist party) oo rag magac qabiil isticmalayaa ay marba qoriga isu dhiidhiibayaan; markaas taasi waxay ku tusaysaa inay yihiin rag intooda badani doonaya xusbi dhab ah, oo ka soo cararaya xusbi qabiil ku salaysan.

Hadaynu dhinaca kale ka eegno, isbahaysiga Kulmiye waa rag ay danno siyaasadeed isu keentay oo aan isku mid ahayn fikir ahaan. Waxa ku jira rag mindida daabkeeda hayey ilaa maalintii ay xukuumada Kulmiye ay dalka talada u qabatay, oo aanay gacmahoodu nadiif ahayn. Waxa kale oo ku jira rag iyaguna ay gacmahoodu nadiif yihiin oo xusbinimadii Kulmiye kasoo Caalwaayey. Isku soo wada xooriyoo waa rag ay isu keentay dantii la odhan jirey “cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa”.  Kulmiye waa lagaga soo adkaaday, UCID-na waxay ku noqotay “Shaagle laga baqay”. Markaas, Waddani waxu qaarkood u yahay guur ku meel gaadh ah (Convenient marriage), kuwana waxuu u yahay Xusbi ay dhisi karaan waxna ku yeelan karaan, oo is xod xodashada iyo haasaawuhu waa ka dhab, kuwona waxay ka tahay geel uu geeluu fulay gaadhi maayee haka daba fulo, oo waa waxii la odhan jirey “dhaan raacday”, inta ugu danbeysaana waa intii lagu odhan jirey markay Kulmiye joogeen “maxaynu kaga daali koley reerkooda iyo Waddani bay hoosta kala socdaane”, oo waa nimankii Kulmiye sida cunsuriyadeysan looga soo tukhuntukheeyey.

Hadaba marnaba waxa kala waayi meyno, oo xitaa kuwa nagu sii meel gaadhaya waxuu Waddani u noqonaynaa meel ay ku nastaan inta xusbiyada la furayo, oo isla markaasna ah meel ay wax iskaga celiyaan( platform) ilayn waxa la yidhi ama buur ahaw ama buur ku tiirsanawe. Markaanu ugu liidano waxaanu ka yeelanyaa sidii ay xukumada Kulmiye ka yeeshay qoladii Qaran ee wasiirada la dhigay, markii ururada la furayna isku dayey inay xusbiyo furtaan. Kuwa si qalbi furan u yimaadana, dee waxay helayaan xusbi cusub oo aan dhaawacyo iyo godob toona lahayn,oo aanay ka jirin dad is neceb iyo hagardaamooyin kaleba. Waxase fiican inay ogaadaan inay dalkoo dhan ka  jirto dabayl isbedel doon ah oo ka fursan waa ahi, oo dalku u baahan yahay isbedel weyn oo dhinac kastaba ah, markaas raga qaarkii oo mindida daabkeeda hayey intii badnayd ee Kulmiye dalka xukumayey waxa qurux badan inaanay shidhka hore noo soo fadhiisan, oo aanay noo dhan-xiiraynin, oo ay isku dayaan inay shacbiga ay Waddani ka eryi karaan uu ka yaraado shacbiga ay u keeni karaan. Oo koley ma Madaaleyaal li’ idine, aanay Madaaleyaashiinu noqonin kuwo naga filaya inay kubada labadeeda gool, kii ay ku dhaliyaanba laga yeelo inuu yahay goolkii lagu badinayey. Soo dhawaada baanu idiin leenahay!

Mahadsanid,

Calikubad