London: Marwo Edna Aadan oo Qudbad Cajiib ah ku soo badhigtay Qadiyadda Somaliland

Londo (SLpost)- Waxa toddobaadkan magaalada London ku qabsoomay Shir ballaadhan oo goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Essa Keyd iyo Ergayga Madaxweynaha Somaliland Drs Edna Aadan Ismaaciil oo ka soo laabtay socdaal shaqo oo ay ku tageen dalka Maraykanka.

Waxa shirka ka qayb-galay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo Saaxiibbada Somaliland ku leedahay dalkaas oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka UK iyo Marti-sharaf kale.

Dr Edna Aadan halkaas ka jeedisay khdubad dhinacyo kala duwan xambaarsan oo ay kaga sheekaysay taariikhdii Somaliland soo martay iyo halka xilligan ay marayso Qadiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland.

Muuqaalka Hoose ka daawo khudbadda Dr Edna Aadan Ismaaciil