Lix Qof oo ku dhaawacmay Shil baabuur oo ka dhacay Duleedka magaalada Burco

Burco (SLpost)- Shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Burco, ayaa sababay dhaawaca lix Qof oo dhammaantood culimo ah.

Dadka Dhaawacyadu soo gaadheen ayaa la sheegay in ahaayeen culimo ka tagay magaalada Hargeysa oo ay kaga qayb-galeen kulankii islaamka, waxaanay ku sii jeeden magaalada Buuhoodle.

Isuduwaha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Maxamed Yuusuf Jamac iyo agaasimaha guud ee cisbitaalka magaalada Burco oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadkaas oo dhaawacooda lagu dawaynayo Cisbitaalka magaalada Burco.

Masuuliyiinta Caafimaadka ee gobolku waxa ay sheegeen saddex ka mid ah xaaladoodu aad u daran tahay, isla markaana ay dhakhaatiirta cisbitaalku ku hawlan yihiin daawayntooda.