Lammaaneyaal Aragga Naafo ah oo Aroos-wadareed ku dhigtay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Habeenimadii xalay waxa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ka dhacay Aroos-wadareed loo qabtay saddex lamaane oo Aragga Naafo ka ah.

Arooskan saddexda lammaane ee araga Naafada ka ah ayaa bulshada Somaliland aad ula dhaceen waxaanu noqday aroos aad u hadal hayso bulshadu.

Hadaba waxaanu halkan hoose idiinku soo gudbin doonaa warbixin ku saabsan arooska Lamaanaha Araga Naafada ka ah.