Kumuu ahaa Marxuum General Fadhi-Ku-Salaan oo Hargeysa Aas Qaran loogu Sameeyey?

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa maanta aas Qaran loogu sameeyey Allah ha u naxariistee Marxuum General Maxamed Jaamac Warsame (Fadhi-Ku-Salaan) oo Salaasadii shalay geeriyooday.

Aaska Marxuumka waxa ka Qayb-galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, Mujaahidiin, madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Dadweyne tiro badan.

Marxuumka oo door laxaad leh ka soo qaatay halgamadii kala dambeeyey ee loo galay Xoriyadda iyo madax-bannaanida Somaliland, kana mid ahaa Ciidanka Qaranka, ayaa noqday saraakiishii u horreeyey ee ka mid noqda Ciidamada sannadihii 1960-maadkii, isagoo xilal kala duwana ka soo qabtay ciidamadii dawladii burburtay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, waxaanu wakhtiyadii danbe ka mid ahaa saraakiishi dhidibada u taagay ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland.