Komishanka Doorashooyinka Oo Bilaabay Diiwaangalin Codbixiyayaasha Oo Tijaabo ah

????????????????????????????????????

 

Hargeysa(SLpost)-Komishanka doorashooyinka ayaa gobalada Maroodi-jeex iyo Togdheer a bilaabay diiwaangalin tijaabo ah oo lagu samaynaayo dad laba kun kor u dhaafaya.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay diiwaangalintani tii afaraad, isla markaasna qalabka lagu shaqaynayaa uu yahay mid casri ah oo indhaha qofka sawiraaya kaas oo hor istaagaaya ku celinta.

Gudoomiyaha komishanka oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi “Waxaanu tijaabinaynaa qalabkii aynu ku gali lahayn diiwaangalinta jamhuuriyada Somaliland taas oo doorashada lagu gali doono, qalabkani waa mid aduunka ku cusub, waxaanu hore ugu soo tijaabinay xarunta komishanka qaranka ilaa sadex jeer, oo aanu ku samaynay dad isugu jiray shaqalahayga,xisbiyada qaranka iyo dad kale oo xul ah.

waxa maanta la gaadhay in dibada loo soo saaro qalabkii waxaanu joognaana xarunta gudida qandaraasyada qaranka oo aanu ku qabanayno tijaabadii afaraad, waxay tijaabadani tahay mid lagu samaynaayo dad ka socda ururada bulshada,xisbiyada qaranka iyo dadweyne kale,waxaanu socon doontaa afar maalmood, waxayna ka soctaa tijaabadani labada gobal ee kala ah Maroodi-jeex iyo Togdheer.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Halkan waxa yaala sadex Kumbiyuutar kuwaas oo diiwaangalin doono codbixiyayaal kudhaw kun qof, diiwaangalintani waa wajiga iyo buda isha oo qofka laga qabnaayo, taas oo hor istaagaysa in aan mardanbe lagu celin karin, waxaanu bulshada u sii sheegaynaa in aan lagu celcelin karin sidii kuwii hore, ma noqonayso qabyo tani ee waa mid dhamaystiran, waa mid xaga xeerka marka la eegan ay golaha wakiilada xeer ka soo saareen lagu ciqaabayo qofka is yidhaahda ku noqo.”