Khabiir sharraxay fursado Dahabi ah oo Dekedda iyo Magaalada Berbera haystaan haddii sida ay tahay looga Faa’iidaysto

LONDON (SLpost)- Khabiir Siyaasadda ganacsiga caalamka falanqeeya, ayaa sheegay in Dekedda Berbera haysato fursad u sahlaysa inay noqoto marinka ganacsiga waddamada Bariga Afrika, maaddaama oo ay Dekedaha Mombasa iyo Dara-salaam ee Kenya iyo Tanzania tankoodii buuxsamay, halka uu xusay in Marsada dalka Jabuuti-na ballaadhin lagu wado.

DIGITAL CAMERAMark T. Jones oo Qormo uu kaga hadlayo muhiimadda Dekedda Berbera xilligan leedahay iyo sida loogu baahan yahay in looga faa’iidaysto shalay ku daabacay Warbaahinta dibedda, ayaa sheegay in Dekedda Berbera kaga taal goob fiican Gacanka Cadmeed oo marin ganacsi u noqon karta dalalka Somaliland, Itoobiya, Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan.

“Xukuumadda Somaliland waxay muujisay doonistooda ah inay soo jiitaan maalgashi caalami oo toos ah si balaadhin iyo horumarin loogu sameeyo Dekedda Berbera, sannadihii u dambeeyeyna shirkado caalami ah, sida Bolloré Africa Logistics, Hutchison Port Holdings (HPH) iyo APM Terminals, ayaa muujiyey xiisahooda maalgashi ay ku sameeyaan.” Sidaa ayuu qoraalka Maqaalkiisa ku yidhi Mark T. Jones.

Mr. Jones, ayaa sheegay in Dekedda Berbera haysato fursado fiican, balse in sida ugu habboon looga faa’iidaysto ay ku xidhnaan doonto qorshaha iyo doonista hoggaamiyeyaasha Somaliland, waxaanu yidhi; “Inkastoo ictiraaf la’aantu niyad-jebin karto maalgashiga qaarkood, haddana dhinaca kale, waxa jira shirkado arkaya fursadda Somaliland ku gaadhi karto haddii Dekedda Berbera laga dhigo sida Dekedda Iran ee Chabahar Free Trade & Industrial Zone ama kuwa Jasiiradaha Quesh iyo Kish Island, oo leh qeybo aagag ganacsi lacag la’aan ah. Intii loo arki lahaa Dekedda Berbera meel ganacsi keliya ah, waxa muhiim ah in loogu xisaabtamo Xuddun-goboleed waddamada Bariga Afrika.”

Khabiirkan u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa qormadiisa ku sheegay haddii loo baahan yahay in Dekedda Berbera loo sameeyo qeyb ganacsiga lacag la’aanta iyo Wershadeynta (Free Trade & Industrial Zone), waa in la helaa adeegyo ka kharash hooseeya oo soo jiidasho leh, sida kuwa ay bixiyaan Dekedaha gobolka sida Mombasa, Daraa-salam iyo Jabuuti, kana mid yihiin cashuur-dhaaf 15 sannadood ah, ku soo gelidda fiise la’aan, adeeg Baanan furfuran iyo damaanad-qaad sharci oo hantida maalgashiga ah.

Mr. Jones, ayaa sheegay in magaalada Berbera loo baahan yahay inay noqoto mid yeelata adeegyada laga helo goobo ganacsi, isla markaana u fikirto sidii ay u noqon lahayd Xuddun-ganacsi. “Magaalada Berbera waa in fiiro gaara loo yeesho ilaalinta iyo shuruucdii loo marayey noolayaasha Xeebteeda, loona dhaqaaqo sidii loo dhireyn lahaa magaalada, si ay uga yaraato siigada iyo qiiqa maaddaama ay korodh iyo ballaadhashada maagaaladu imanayo.” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Khabiir Jones.

Waxaanu qoraalkiisa oo sii socday intaas ku daray; “Berbera waxay haysataa fursad Dahabi ah inay isu-dhigto adeege laysku hallayn karo, horumarka looga baahan-yahayna keliya ma keenayo shaqo-abuurka baahida weyn loo qabo, balse wuxuu qeyb ka qaadanayaa Beeninta fikiradda khaldan ee laga qabo aqoonsi la’aanta Somaliland iyo qaaradda Afrika guud ahaan.”

 

XIGASHO: Himilo